Puntland oo sheegtay in ay ka qeyb qaadatay Dagaalkii ka dhacay deegaanka Sool-joogto

April 2, 2012 - Written by

Buuhoodle:-Dowlada Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalo khasaaro qeysatay oo shalay ka dhacay deegaanka Sool-joogto ee Degmada Buuhoodle Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Eng.Maxamed Faarax Aadan  oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha Gudaha Puntland ayaa sheegay in ciidamada daraawiishta ay qeyb ka haayeen dagaalkii shalay dhacay.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Eng Maxamed Faarax Aadan  ayaa guul ka sheegaya dagaalkii ka dhacay shalay deegaanka Sool-joogto ee Degmada Buuhoodle wuxuuna sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen ciidankii S/land .

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Eng.Maxamed Faarax Aadan  ayaa ku eedeeyey Maamulka S/land in ay duulaan garadaro ah ku soo qaadeen Degmada Buuhoodle oo ay in mudo ah ku taamayeen in ay la wareegaan wasiirka ayaa sheegay in ay ka dileen ciidanka S/land 8 asakari oo uu ku jiro G/sare in kalena wey dhaawacmeen ayuu yiri wuxuuna sheeagay in ay qabsadeen gaari ZUU .

Mar uu ka hadalayey Khasaaraha soo gaaray ciidankiisa waxaa uu sheegay in 6 askari ay ka dhimatay 5 kalana ay ka dhaawacmeen.Dagaalka ayaa waxaa kale oo ka hadlay saraakiil ka tirsan Khaatumo State waxaana ay sheegeen in ay dagaalkii shalay ku jabiyeen ciidamada S/land gawaari Tiknika ah ka soo qabsadeen

Dhanka S/land ayaa waxaa dagaalka ka hadlay Mahad Canbaashe oo ka tirsan S/land waxaana uu sheegay in dagaalkii shalay ay guul ka gaareen ayna ku soo qabteen dagaalka maxaabiis gaareysa ilaa 25Maxbuus .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online