Qarax ka dhacay saaka magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo

April 15, 2012 - Written by

Garbahaarey:-Waxaa saaka ka dhacay Makhaayad ku taal magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo qarax miino ah oo la filayo in uu yahay miinada dhulka lagu aaso , qarax maanta ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaan ilaa hadda la sheegayaa in ay ku dhinteen ilaa 3 qof oo rayid ah kuna dhaawacmeen ilaa 7 qof oo 3 ka mid ah tahay rayid 4 kalena ay yihiin askar ka tirsan DFKM.

Goobta qaraxu ka dhacy oo ahayd Makhaayad inta badan ay yimaadaan ciidamo ka tirsan DFKM waana tan loo aanaynayo in qarax la doonayey in lagu dilo askar badan oo ka tirsan DFKM balse qarax saaka ayaa dhibka ugu badan waxaa uu soo gaaray dad rayid ah.

Goob jooge ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa saxaafada u sheegay in ay hal mar maqleen qarax iyo jug aad u xoog badan ka dibna ay arkeen dad badan oo daadsan makhaayada oo qaarkood uu hilibkoodu uu go’go,ay halka qaar kalena uu soo gaaray dhaawacyo kale duwan isla markiiba waxaa goobta yimid ciidamo ka tirsan DFKM  waxaan ay bilaabeen howl galo ay ku raadina yaan cid fulisay falka qarax  ah.

Sarkaal u hadlay ciidanka DFKM ayaa sheegay in qarax maanta ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo loola dan lahaa in lagu dilo ciidamada DFKM balse ay dad rayid ah kuna dhinteen kuna dhaawacmeen waa sidda uu hadalka u dhigaye, ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qarax ka dhacay magaalada Garbahaarey , magaalada Garbahaaray ayaa waxaa horay gacanta ugu haye ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab balse bishii April sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa kala wareegay ciidamo huwan ah oo ka kooban Soomaali ,ciidanka Itoobiya iyo kuwa Kenyaan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online