Ra’iisul wasaaraha DFKM oo la kulmay Ergeyga EU u qaabilsan Africa(Warsaxaafadeed)

April 19, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Mr Alexder Rondes iyaga oo ka wadahadlay horumarinta xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo ururkaasi Midowga Yurub oo kaalin ka qaata taageerada Dowladda

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Xafiiska ayaa waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda isaga oo xusay in Mr.Rondes ay ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda iyo Midowga Yurub, isaga oo ku ammaanay inay qeybta ugu weyn ka qaataan sidii loomeel marin lahaa qorshaha Tubta Nabadda (Roudmap), taasoo ah howsha ugu weyn ee hortaala Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed xilliga kala guurka.

“Midowga Yurub waxaan ka wada hadalney dardar gelinta hanaanka hadda socda ee Roadmap-k, dhameystirka dastuurka, soo xulidda baarlamaanka Soomaaliya iyo dowladda la filayo August oo ay Soomaali u mideysan tahay oo aan noqoney isku aragtia eyna taageero ballaaran ee ay u fidiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waana taageeraha ugu weyn ee gacanta ka geysta sidii loo dhaqangelin lahaa Qorshe howleedka dowladda ee Roudmap” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

 

Dhankiisa waxaa isna warbaahinta la hadlay Mr. Alexander Rondes oo guul ku tilmaamay inuudsan aheyn markii ugu horeysan uu yimaado  Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho uuna wadahadalo miro dhal ah la qaato madaxda dowladda oo uu ugu horeeya Ra’iisu Wasaare Dr. Cabdiweli isaga oo hoosta ka xariiqay in waxyaabo badan oo ay ka wadahadleen ay si wanaagsan isula meel dhigeen.

 

“Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Pro.Gaas iyo soo dhaweynta na loo sameeyay, Sidoo kale Wuxuu sheegay in wadahadala ay la qaateen ra’iisul Wasaaraha uu ula noqon doono Midowga Yurub si loogu sharaxo wadamada ku jira EU”. Ayuu yiri.

Wuxuuna Mr Rondes uu amaanay isbadeleda hormarka leh oo ay sameysay dowladda ee Magaalada Muqdisho, Sidoo kale wuxuu sheegay in kulankaan ka hor uu la soo kulmay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo aan isna isku afgaraney wadahadaladeenii, ayuu yiri.

Ugu danbeyntii wuxuu u mahadceliyay saxafiyiinta,Isagoona ku amaaney sida ay u tabiyaan wararka ku saleysan xaqiiqda iyo doodaha aad u qabataan Siyaasadda, Iyo sidii  ay soomaalida oo dhan uga qeyb qaadan lahaayeen.

Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
Deputy of Communication
Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online