Raiisul wasaaraha DFKM Prof Gaas oo ka hadlay qaraxii lagu khaarajin lahaa

April 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Raiisul wasaaraha DFKM Prof Cabdieli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu shir jaraa’id oo ku qabtay dhawaan magaalada Muqdisho uu uga waramay qarax maanta ka dhacay Tiyaatarka xili ay ka socotay xaflada lagu maamuusay Sanad guuradii ka soo waregtay TV-ga STN , Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa waxaa uu tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay qarax waxaan uu ku tilmaamay falkii qarax mid waxashnimo ah oo dad rayid ah lagu xasuuqay isagaa sheegay in xubno ka mid ah DFKM aysan ku dhiman qarax waa sida uu hadlka u dhigaye.

Ra’iisul wasaaraha DFKM Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku nuuxnuuxsaday in falka qarax uu yahay mid ay fuliyeen ururka Al-shabaab iyagoo markii looga adkaaday  goobaha dagaalka uu ka socdo waa siduu hadlka u yiriye ay falal is qarxin ay ay la beegsanayaan goobaha dadka rayid ah ay ku sugan yihiin.

Falka Qarax ee maanta ka dhacay Tiyaatarka ayaa waxaa uu marag ma doonto u yahay in sirdoonka xoogagga Al-shabaab ay ku guulaysteen in ay ciidanka nabadgelyada ee DFKM kaga adkaadeen dhinac xog aruurinta iyo wardoonka taas oo sababtay maanta in masuuliyiinta ugu saraysay DFKM gaar ahaa Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof Gaas iyo qaar ka mid ah Golahiisa Wasiiradu ay ka badbaadaan isku day lagu khaarajin lahaa.

Dhinac kale masuuliyiinta ururka Al-shabaab ayaa iyagu sheegtay in ay ka danbeeyeen falkii qarax ahaa ee ka dhacay Golaha Tiyaatarka xili ay ka socotay Xaflada loogu dabaal degayey sanadguuradii ka soo wareegtay markii la aasaasat TV.STN ee ku hadla afka DFKM, warka sheegashada qarax ee ururka Al-shabaab dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa isaoo faahfaahsan haddii alle idmo.

A/cawaale
Halgan.net

 

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Muslim walaal ma iisheegi kartaa hal dowlad oo caalamka qaraxyadan oo kale lagu dumiyey…shabaab ma aysan garab marin fiqhiga sharciga kaliyee waxay kaloo ka indho beeleen siyaasada maanta aduunka ka jirta.

  2. Waxaa hadaba maanta labaabi’iyey waxay u badnaayeen shacab masaakiin ah oo aan waxba galabsan…dowlad gaalo ah oo labaabi’iyeyna meesha ka dhicin. Alshabaab waxaan dhihi itaqulaaha fiinaa. In dhowrkii biloodba aad huge ground lose gareysid frontlineka kadibna aad hallktiin ciyaalka iyo haweenka diin ma aha ee waa diin xumo, siyaasad maahan ee waa siyaasad xumo. Markale Alshabaab please and please umada shacabka ah ee walaalihiina unaxa. Hadaad rabtaan inaad dowlado gaalo burburisaan qarax maalin dhacay oo ay toboneeye ku dhinteen laguma burburiyee wadashaqayn iyo in xoog loo helo ayaa laisaga dhiciyaa.

  3. abu cabdullaahi dawlad islaam qarax kaliyaata kuma dhismo lkn dawlad gaalo ayaa ku baa’ba’aysa oo lagu duminayaa

  4. fadlan shabab ka jawaaba: arintani dowlad islaami ah soomaliya ma u dhisaysaa?hal waa iga suaal: shaabow qaraxani dowlad islaami ah ma dhisi

Leave a comment

*