Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Ganacsiga DFKM oo gaaray Garoowe

April 17, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Wafdi uu horkacayo Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Ganacsiga ee DFKM Ugaas C/wahaab Ugaas Xuseen  ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland isaga oo ka qeyb gali doona Ansixinta Dastuurka maamulka Puntland oo lagu wado in la soo afmeero maalinta birito ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Ganacsiga DFKM  C/wahaab Ugaas Xuseen “Ugaas Khaliif” ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyaha wasiiru dowlaha Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo madax kale oo ka tirsan labada gole ee DFKM.

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka Ganacsiga ee DFKM ayaa waxaa uu ka soo degay saaka  garoonka Diyaaradaha ee C/llaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo waxaana wafdiga ku soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland madax ka tirsan dowlada Punland.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online