Raisulwasaaraha DFKM oo tacsi u diray eheladii Beeldaaje Faarax (Warsaxaafadeed)

April 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta tacsi u diray shacabka oo ku wajahan geeri ku timid mid ka mid ah Madax dhaqameedka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii shalay fiidkii (Axad 08 April) ku timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje Maxamed oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Al Cayn ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).”

“Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Ayuu sii raaciyey Ra’iisul Wasaarahu. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Beeldaaje Faarax uu ahaa oday dhaqameed Soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan geliyey sidii beelaha Soomaaliyeed ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo. Beeldaaje Faarax waxuu ahaa shaqsi karti iyo hufnaan leh oo door hoggaamineed ka qaatay isu keenida, wadajirka iyo wada noolaashaha beelaha Soomaaliyeed. 

       DHAMMAAD –
Xafiiska Raisulwasaarae Cabdiweli Gaas

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online