Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay Qaraxii lagu khaarajin lahaa Ra’iisul wasaaraha DFKM

April 5, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa waxaa uu sheegay in ururkiisu ay ka danbeeyeen qaraxii shalay ruxay Tiyaatarka xili ay ka socotay munaasabada lagu weynaynayey sanad guurada 28aad ee Asaaskii TV-ga qaranka Soomaaliyeed .

Afhayeenka Al-shabaab oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay tahay been abuur in gabar ay fulisay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka balse ay kooxda u qaabilsan qaraxyada ururka Al-shabaab ay miinada ku sii diyaariyeen goobta ka dibna ay fuliyeen.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxda DFKM ay marin habaabiyaan cida qarxisay ama dishay oo ah Al-shabaab oo ay dusha u saaraan gabar Soomaaliyeed si buu yiri gabdhaha muslimaadka loogu dhibaateeyo xijaabkooda waan arrin fool xun.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in alle uu uga mahad celinayo guusha uu alle siiyo isagoo sheegay in ay qaraxii shalay ay ku laayeen saraakiil badan oo ka tirsan DFKM iyo ciidanka AMISOM wuxuuna  aad uga mahad celiyey dadka shacabka ah sida ay uga fogaadeen meelaha iyo goobah ay joogaan masuuliyiinta DFKM isagoo baaq u diray shacabka uguna baaqay in ay ka fogaadaan goobaha ay iskugu yimaadaan Madaxda DFKM sababta oo ah buu yiri waa hadafkeena aan la beegsanayno qaraxyada.

Qaraxii shalay ka dhacay Tiyaatarka ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 10-ruux , waxaan ku dhaawaca may in ka badan 40-ruux oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan DFKM.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online