Sheekh Umal oo khudbadiisi Jimacaha uga hadlay Ahmiyada toosnaanta Dhalinyarada(Dhageyso)
April 13, 2012 - Written by
Nairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa maanta khudbadiisii Jimaca uga hadlay Ahmiyada toosnaanta dhalinyarada iyada oo diinta Islaamka ay ahmiyada gaar ah siisay Dhalinyarada Nabigeenii Maxamed nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaaatee uu si weyn ula dardaarmay.
Dhalinyarada waa keydii umada sidaa awgeed ayaa diinta Islaamka waxay siisay Ahmiyada gaar ah iyada si gaar ah loo baahan yahay in la tawjiihiyo lana baro shareecada Islaamka .Alle Subxaanahu watacaalaa ayaa jano u balan qaaday qof dhalinyaro ah oo diintiisa ku barbaaray .
Umada marka la qiimeynayo ama la saadaalinayo waxaa la eegaa dhalinyaradeed hadii dhalinyaradeed ay wanaagsan yihiin umadaas waxay noqonaysaa umada badbaadaysa aduun iyo Aakhiro cadawgeedana ka adkaata ,hadii dhalinteeda ay ka leexdaan sharciga Rabina oo ay hawadooda raacaan iyo sheydaan umadaas waxay noqoneysaa mid halaagsanta.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa soo sardiyey adilooyin Kitaabka iyo Sunada taas oo tilmaameysa sida diinta Islaamka ay ahmiyada u siisay una tawjiihisay Dhalinyarada.
Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Maanta ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah.
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/umal_13.mp3]
Ama Halkan
Halgan.net
Nairobi

.gif)

