Shirkadda Golis oo Biyo dhaamis ka samaysay Deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar.(Sawiro)

April 8, 2012 - Written by

Qardho: Shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa biyo dhaan ka sameeysay goobo ay abaaro ka jireen ee ka mid ah  deegaanada gobolka Karkaar. Deeqda biyood ay shirkadu ku deeqday ayaa dhan 2500 Barmiil oo biyo ah Abaarahaas ayaa ah kuwo dhawaan laga soo sheegay in ay ka jiraan qaar ka mid gobolka Bari iyo sidoo kale gobolka Karkaar.

no images were found

Maamulaha shirkadda Golis Mudane Axmed Cawaale Gaare ayaa maanta mar uu la hadlaayey qaar ka mid ah gudiyadii kala shaqaynaysay shirkadda in la gaarsiiyo dadka dhibaateysan deeqda biyaha ah ayaa sheegay in shikadda Golis had iyo jeer ay u taagan tahay waxtarka bulshada dhibaateysan iyadoo kaalin libaax ka ciyaarto had iyo jeer wax tarka dadka tabaaleysan.

Wuxuu mudane Axmed Cawaale Gaare ku daray in talaabadaas ay shirkadu ku dhaqaaqday uu ka tarjumayo sida dhabta ay shirkadu uga fakarey so horumarka bulshada adeegyadeeda isticmaala. Biyo dhaankaas ayaa lagu soo waramayaa in uu gaarey dhamman goobihii loogu tala galay in la gaarsiiyo, dadka meelaha biyaha la gaarsiiyana waxay soo gudbiyeen in biyihii soo gaareen waxayna muujiyeen ixtiraamka ay u hayaan shirkadda Golis Telecom Somalia.

Goobihii biyaha la gaarsiiyey ayaa kala ah sidaan hoos ku xusan:

No: Magaca goobta biyaha la gaarsiiyey Tirade biyaha la gaarsiiyey
1. Karkaar Zones 400 Barmiil
2. Sheerbi 400 Barmiil
3. Baargaal 500 Barmiil
4. Dhaxamo 150 Barmiil
5. Shaxda 200 Barmiil
6. Xeeradaa Muudal 100 Barmiil
7. Geri-hel 400 Barmiil
8. Carmo 100 Barmiil
9. Sanjilbo 100 Barmiil
10. Tuulada Xabaal reer 50 Barmiil
11. Misir 100 Barmiil

Xafiiska xiriirka Bulshada ee Golis
Halgan.net , Boosaaso

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Walaalkeen Axmed Cawale Gaarre Allah ha xafido khayr Allah ha siiyo waxqabadkiisa Aamiin

Leave a comment

*