Taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM Gen. Andrew Guti oo xilka la wareegay

April 28, 2012 - Written by

Muqdisho:-Munaasabadda ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan DFKM ayaa waxay ka dhacayda xarunta Xalane oo fariisin u ah ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu qabtay xaflada uu xilka kula wareegay taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM oo uu ka soo qeyb galay  wasiirka difaaca ee DFKM Xuseen Carab Ciise, saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka dolwlada federaalka .

Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM Fred Mugisha oo munaasabada ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM  Gen. Andrew Guti .

Gen. Andrew Guti Taliyaha Cusub ee ciidanka AMISOM ayaa u mahad celiyey taliyihii hore iyo ciidanka DFKM guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen ciidanka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay sii wadayaan howlgaladooda.

Wasiirka Gaashaandhigga ee DFKM  Xuseen Carab Ciise ayaa ka hadlay munaasabada ayaa waxaa sheegay inuu aad ugu mahad celinayo Fred Mugisha shaqada iyo howlaha ay ka qabteen ciidanka AMISOM magaalada Muqdisho wuxuuna tacsi u diray eheladii ciidamadii AMISOM ee lagu laayey magaalada Muqdisho.

Gen. Andrew Guti Taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM ayaa sheegay in ay sugayso in uu qabto howl adeg taas oo ay ciidanka AMISOM ugu talaabayaan gobalada dalka ee haatan ay gacanta ku hayaan ciidanka Al-Shabaab.

Xaflada uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee ciidanka AMISOMGen. Andrew Guti  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Xooga dalka C/qaadir Sheeekh Cali Diini iyo abaanduulaha ciidanka DFKM Jen Cabdikariim Dhagabadan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online