Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kenya oo Muqdisho soo gaaray

April 22, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Richard Onyonga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana uu kulan la qaatay madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed .

Wasiirka ku xigeenka arimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aden Cade madax ka tirsan DFKM waxaana uu Muqdisho u yimid in uu dib u furo safaaradii dalka Kenya ay Soomaliya ku lahaan jirtay iyo hirgelinta Roadmap-ka.

Mr Onyonga ayaa mar uu saxaafada uu la hadlayey wuxuu yiri “Ujeedada ugu weyn ee socdaalkeygu  waxay ahayd sidii aan ugu wargelin lahaa madaxweyanha Soomaaliya in Kenya ay rabto in ay dib u howlgaliso safaaradeedii”

Mar ay saxaafada weydiisayWasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kenya ciidamada wadankiisa ka jooga gobalka J/hoose ayaa waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo arinkaaas.

Ciidamo aan tiradooda la aqoon ayaa dowlada Kenya waxay ka joogaan gobalada J/hoose iyo Gedo iyaga oo dhowr mar duqeymo ka geystay deegaano ka tirsan gobalada J/hoose iyo Gedo waxaana ay laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online