Wasiirka Amniga Puntlland Col.Khaliif Ciise Mudan oo gaaray degmada Rako-raaxo

April 8, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maanta lagu soo afmeeray degmada Rako-raaxo ee gobolka Karkaar colaad u dhex martay 2-bo beelood oo walaalo ah oo dagaal uu ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar. Xaflada lagu soo afmeeray colaada labada beelood ee walaalaha ah ayaa waxaa  ka soo qayb galay culimo, Isimo , cuqaal , waxgarad iyo masuuliyiin ka tirsan dowlladda Puntlland , masuuliyiinta Puntlland ee ka qayb galay xaflad ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka amniga iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka Puntland Col Khaliif Ciise Mudan iyo Taliyaha Booliska Puntland Col.Maxamed Siciid Jaqanaf.

Wasiirka amniga dowllada Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo ka hadlay xaflada ayaa waxaa uu aad ugu mahad celiyey labada beel ee walaalaha ee soo afmeeray colaadoodii iyagoo ku guulaystay in ay joojiyaan colaada ka dibna ay u guntadaan in dhibkii dhacay laga hishiiyo wixii beelaha kala gaarayna magteedii la kala qaato.

Wasiirka amniga dowllada Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa xusay in dhibatadii dhexmartay beelaha walaalaha ee wada dega Rako-raaxo ay sababtay khasaaro leh dhimasho ,dhaawac iyo in dadkii ay colaad darteed ay kala fogaadaan arrinkaas oo maanta odayaasha Isimadu ay ku guulays teen in ay xal ka gaaraan waan ugu mahadcelinaynaa ayuu yiri Wasiirka amniga ee Puntlland Col.Khaliif Ciise Mudan.

Wasiirka amniga dowllada Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan iyo Taliyaha ciidanka Boolika Col.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa maalmihi la soo dhaafay waday dadaal xooggan oo ay ku geynayaan ciidamo Boolis ah  degaano kale duwan oo ku yaal Gobolka Karkaar iyo Bari iyagoo balan qaaday in dhulka xeebaha ah la geyn doono ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntlland oo tababar koodii uu soo dhamaaday si ay ula dagaalamaan kooxaha burcadbadeedka ah iyo Tahriibka.

M_M_deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online