Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo soo gaaray Garoowe.(Sawiro)

April 1, 2012 - Written by

Garoowe:-Wefdi uu hogaaminayo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa saaka soo gaaray  magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntlland, Wafdiga Safiirka dalka Turkiya ayaa waxaa  ku soo dhaweeyey  garoonka diyaaradaga ee magaalada Garoowe masuuliyiin ka kala tirsan 2 Gole ee dowllada Puntlland iyo dadweyne fara badan.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Dr. Kani Torun ayaa waxaa markii uu soo gaaray magaalada Garoowe loo galbiyey xarunta madax tooyada Puntland oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo golahiisa wasiirada, safarka uu saaka ku soo gaaray magaalada Garoowe Safiirka dalka Turkiya ee Soomaaliya Dr. Kani Torun ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey xili maalmo ka hor ay Puntlland soo gaareen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda horumarinta  dalka Turkiga u qaablisan arrimaha Afrika ama Soomaaliya.

no images were found

Warar hoose oo aan weli si rasmi ah loo shaacin oo la isla dhexmarayo ayaa sheegay in wufuuda kale duwan ee ka socoda dowllada Turkiga ee soo gaaray Puntlland ay hordhac ama gogol xaar u yihiin safar uu  dhawaan ku soo gaari doono Puntlland Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Rajep Tayyib Erdogan walow aan arrinkaas dowllada Puntlland aysan si rasmi ah u shaacin.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online