Ciidanka Nabadsugidda ee DFKM oo sheegay in ay qabteen walxaha qarxa

May 13, 2012 - Written by

Hay’adda Nabadsugidda ee DFKM ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay wiil dhalinyaro ah oo sitay walxaha qarxa waxaana laga soo qabtay wiilka ay soo bandhigeen ciidanka Nabadsugida ee DFKM  Ex-Control Afgooye. Taliyaha ciidanka Nabadsugidda ee DFKM ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa saxafada kula hadlay xarunta Nabudsigida ee DFKM waxaana uu sheegay in wiilka la soo qabtay uu rabay in uu miino ku xiro guriga Guddoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaaan.

Waxaa sidoo kale saxaafada la hadlay wiilka ay sheegtay DFKM in ay soo qabteen waxaana uu magaciisa ku sheegay  C/raxmaan Faarax Maxamed wuxuuna sheegay in miinada looga soo dhiibay oo uu ka keenay deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho isaga oo cadeeyey in uu rabay in uu miinada ku khaarajiyo  Guddoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaan.

Agaasimaha ciidanka Nabadsugidda DFKM  Axmed Macallin Fiqi ayaa waxaa uu xalay ka sheegay idaacada afka DFKM in ay qabteen miino casri ah iyo qofkii sitay  saxaafadana ay u soo bandhigi doonaan .

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay sheegashada ciidanka DFKM gaar ahaan kuwa Nabadsugida kuwaas oo inta badan sheegta in ay dileen ama qabteen dhalinyaro wadata walxaha qarxa.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online