Dagaal culus oo ka qarxay Deegaanka Xayo iyo Arba-qarso duleedka Afmadow

May 31, 2012 - Written by

Afmadow:-Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo ay ka qeyb qaadanayaan diyaarado dagaal uu ka qarxay deegaanka Xayo iyo  Arba-qarso kaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya iyo kuwa DFKM iyo Kaambooniyiinta oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu si culus uga socdaa  inta u dhaxeysa deegaanada Xayo iyo Arba-qarso oo qiyaastii 17-KM u jirta degmada Afmadow, waxaana hawada ka maqan isgaarsiinta oo dhan.

Halgan.net oo xiriir la sameysay mid ka mid ah ducaada Degmada Afmadow ayaa sheegay in dagaalka iyo madaafiicda ay si xooggan uga soconayaan Deegaanka Xayo iyo Arba-qarso duleedka Afmadow.

Ciidamada DFKM  iyo kuwa Kenya ayaa Madaafiic ku asqeeyey goobaha ka fog deegaanada ay dagaalka ka socdaan taas oo sababatay barakac balaaran .

Ciidamada Kenya iyo kuwa DFKM ayaa shalay ku fashilmay in ay qabsadaan Deegaanka Xayo iyaga oo saaka duulaan ay ka qeyb qaadanayaan 4 diyaaradood soo qaaday.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online