DFKM oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb (Warsaxaafadeed)

May 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng: Yariisow) ayaa Saxaafadda u sheegay in Xukuumadda ay ka xuntahay qaraxii galabta ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb ee gobalka Galgaduud kaa oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaar katirsan xildhibaanada dowladda KMG Soomaaliya.

Wuxuu kaloo Afhayeenka sheegay in Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ay ku dhinteen qaraxaasi islamarkaana uu ku dhaawacmay Axmed C/salaam oo Xukuumadii hore ka noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo mas’uuliyiin kale.

Wuxuuna sidoo kale sheegay Afhayeenka in Shacabka Soomaaliyeed intaan ka dib aysan u dul-qaadan doono in kooxaha nabad diidka ah ay sii joogteeyaan falalkooda argagaxisada ah. Dowladdu waxey sii kordhin doontaa howlgalada looga soo horjeedo kooxdan caadeysatay inay shacabka gumaadaan.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in Warsaxaafadeed ka soo baxay UN-ka, AU iyo IGAD lagu sheegay in cidii ka hortimaada Road-map-ka tilaaba cadd laga qaadi doono islamarkaana loo aqoonsanayo qaswadayaal.

Ugu dambeyntii Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan hanaanka looga baxayo Kumeel Gaarnimadda islamarkaana ay ka shaqeyaan sidii loo heli lahaa dowladda rasmi ah.

 DHAMAAD –

Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)

Deputy of Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online