Dowlada Kenya oo qaraxii ka dhacay Nairobi ka bixisay Faahfaahin(Daawo)

May 30, 2012 - Written by

Nairobi:-Afhayeenka ciidamada Booliiska Kenya Eric Kiraithe ayaa shirJaraa,id ku qabatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawir  nin ka yimid gudaha dalka Soomaaliya sida uu sheegay  Eric Kiraithe kaas oo dhalashadiisu tahay dalka Turkiya.

Eric Kiraithe ayaa sheegay in ninka ay sawirkiisa soo bandhigeen uu ahaa xubin aad u firfircoon oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab wuxuna sheegay in uu dhigay Bamka dukaan ku yaal wadada Moi Avenue ee bartamaha magaalada Nairobi .Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in ninka lagu tuhmay in bamka uu shigay la yiraahdo  Emrah Erdogan.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Kenya Eric Kiraithe  ayaa mar ay saxaafada weydiisay in ay hayaan cadeymo la isku haleyn karo wuxuu sheegay in ay hayaan cadeymo buuxda wuxuuna sheegay in Emrah Erdogan uu haatan ku dhuumaaleysanyo gudaha dalka Kenya .

Waxaa jira dada badan oo ay ciidamada Kenya u qabteen tuhun kuwaas oo lagu xiriirinayo in ay xiriir dhow la leeyihiin Ururka Al-Shabaab ;waloow qaarkood ay yihiin dad qoxooti aan waxba galabsan.

ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dowlada Turkiga oo ku saabsan sheegashada ciidamada Booliska ee dalka Kenya  iyo Ururka Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online