Isimadii Puntland uga qayb gali lahaa shirka Dastuurka oo ka dulay magaalada Garowe.

May 4, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe Isimadii Puntlland uga qayb gali lahaa shirka  looga   hadlayo qabyo qoraalka dastuurka la doonayo in loo sameeyo dalka Somaliya iyo qaabkii loo soo xuli lahaa Ergedii ka qayb geli lahayd shir la doonayo in lagu ansixiyo Dastuurkaas iyo soo xulida xubnihii Golaha Baarlamaanka ee DFKM ka mid noqon lahaa bisha Augosta ka dib.
Isimada maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa weheliya Saraakiil ka tirsan xarunta Madaxtooyada ee Puntlland oo uu horkacayo  Agaasimaha guud ee Madax tooyada Puntlland Dr Jamac Warsame iyo saraakiil ciidan oo uu hogaaminayo  Gen Siciid Maxamed  Xirsi  Siciid Dheere oo ah Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntlland. Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Isimadii maanta u dhoofay magaalada Muqdisho oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in u jeedada safarkoodu uu yahay in ay ka soo qayb galaan shir looga hadlayo Dastuurka ay yeelanso DFKM iyo kulamo gaar ah oo lagu ansixin doono  Dastuurka DFKM iyagoo si gaar ah u matalaya dowllada Puntlland.

no images were found

Isimada maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa gaaraya ilaa 17 Isim oo ah kuwo laga yaqaan degaanada Puntlland waxaan Isimadu iyo xoghayta la socota ku soo biiri doona Isimo kale oo si weyn looga yaqaano degaanada Soomaali kuwaas oo la filayo in ay isla maanata gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online