Puntlland iyo Gal-mudug oo aqbalay in ay ka qayb galaan shirka Turkiga

May 30, 2012 - Written by

Madaxweynaha Puntland iyo Gal-mudug iyo wafdi ay hogaaminaya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay u duulaan dalka Jabuuti oo ay kaga sii gudbi doonaa magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga. Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo madaxweynaha Gal-Mudug Maxamed Axmed Caalin ay  si rasmi ah uga qayb geli doonaa shirka RoadMapka ee ka furmaya dalka Turkiga oo ay maalmo ka hor ay shaaciyeen in ay qaadaceen iyagoo ku sugan dalka Itoobiya

Madaxweynaha Puntlland Dr C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ay wadahadalo iyo xiriiro kale duwan ay la sameeyeen wasaarada arrimaha dibada ee dalka Turkiga iyadoo ay arrin kaas ay fududaysay  safaarada dalka Turkiga ay ku leedahay Dalka Itoobiya  ayna hadda  ku qanceen in ay ka qayb galeen shirka ka dhacay Turkiga si buu yiri aan si toos ah dowllada Turkiga ugala soo hadalno arrimaha siyaasada ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntlland iyo Gal-mudug oo waraysi gaar ah siiyey idaacada BBC-da ayaa waxaa ay sheegeen  in Puntlland iyo Gal-mudug ay ka qayb galayaan shirka Turkiga xubnihii ka soo qayb gali lahaan  ilaa maanta iyo beri laga soo qaadi doono magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,Boosaaso.

Dowllada dalka Turkiga áyaa tiro go’an oo casumaad ah u dirtay Madaxda Puntlland iyo Gal-mudug ,Issimo ,Ganacsato ,bulshada rayidka ah si ay uga soo qayb galaan shirka RoadMapka ah iyo weli shirar kale oo looga hadli doono arrimaha dhaqaalaha iyo mashaariicda ay doonayso dowllada Turkiga in ay ka fuliso Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online