Ra’iisul wasaaraha DFKM oo sheegay in shirka ka socda Turkiga aan loo dhamayn

May 30, 2012 - Written by

Ra’iisul wasaaraha DKM Prof. Cabdiweli Maxamed Cali oo waraysi gaar ah siiyey Idaacada BBC-laanta afka Soomaaliga ayaa waxaa uu canbaareeyey weerarkii shalay lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku weerareen duleedka magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha DKM Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa  sheegay in dowlladiisu ay sii wadayso dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab goobaha hadda ay weli ku sugan yihiin ay ka qabsan doonaa  waa sidda hadalka uu u dhigayey, Dhinac kale Ra’iisul wasaaraha DFKM Prof. C/weli Maxamed Cali oo wax laga wiidiiyey shirka ka socda dalka Turkiga oo ay qaadaceen madaxda Puntlland iyo Gal-Mudug ayaa waxaa uu xusay in dowladiisu ay u garaabayso maadaam buu yir si wanaagsan aan loo maarayn shirka dadka ka soo qab galayna aysan ahayn dadkii matalayey bulshada rayidka ah ee saxda ah oo aan loo dhamayn.

Ra’iisul wasaaraha DKM Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dadaal iyo wadahadal kuala jirto madaxda dowllada Puntlland iyo Gal-mudug waxaan uu sheegay in uu rajaynayo in ay ka soo qayb glaaan shirka looga hadlayo RoadMapka ee la filay in uu ka furmo dalka Turkiga.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha DFKM ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in shirka ka dhacaya dalka Turkiga wax looga bedelayo  Road Mapka isagoo ku dooday in RoadMapka howshiisa la dhamaystiray wax la bedelayana aysan jirin balse DFKM ay soo dhaweynayso fikrad kasta oo dad u ah umada Soomaaliyeed.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online