Raisulwasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo u dhoofay dalka Turkiya

May 29, 2012 - Written by

Nairobi:-Wafdi uu hoggaaminayo Raisulwasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta airport ee magaalada Nairobi, isagoo ku sii jeeda magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga halkaas oo uu ka furmayo shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Raisulwasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa socdaalkiisa waxaa ku weheliya qaar ka mid ah golihiisa wasiirada waxaana la filayaa in saaka ay gaaraan madasha shirka ka socda magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiya.

Raisulwasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan la qaatay intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Raisulwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga iyaga oo ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya

Shirka Istanbul waxa oo si rasmi u furmay 27-ka bishan kaas oo ay ka biyo diideen Maamulada Galmudug ,Puntland iyo Ahlu Suna iyaga oo sheegay in shirka ka dhacaya Istanbul uu ka horimaanayo dhamaan heshiisyadii ay gaareen saxiixayaasha Road Mabka kuwaas oo ka dhacay Muqdisho ,Garoowe ,Gaalkacyo iyo Adisababa.

Dhinaca kale Warsaxaafadeed ka soo baxay xalay Xafiiska Wasiirka Dastuurka, Fedraalka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxman Xoosh Jibriil ayaa waxaa uu wasiirku sheegay in DFKM ay ka walaacsan tahay sida ay dowlada Turkiga u agaasimtay Shirka Istanbul 2 .

Wasiirka Dastuurka, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxman Xoosh Jibriil ayaa ku eedeeyey dowllada Turkiya in ay shirka u qaaday kooxo si gaar ah isku abaabushay wuxuuna sheegay in shirka uu ula muuqdo mid wax loogu dhimayo geedi socodka nabada ee Soomaaliya iyo hirgelinta Roadmabka.

Ilaa haatan ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada DFKM oo ku aadan shirka ka socda Istanbul iyo mowqifka rasmiga ah ee Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online