Raisulwasaare Gaas oo maanta booqday Madasha uu ka Socdo Shirka Odayaasha Dhaqanka

May 13, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta booqday goobta uu shirka uga soconayo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaa oo looga fadhiyo iney soo xulaan gudigii ansixin lahaa Dastuurka dalka iyo Barlamaanka uu yeelan doono Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare, Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in shirkaani uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya la isugu yimaado mudo 20 sano kadib.

“Shirkaani waa kii aan kaga godbi laheyn mar xaladihii aan soo marney 20-kii sano ee la soo dhaafay waa mid taariikh u ah Ummadda Soomaaliyeed”.

Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in September, 6-dii ay aheyd markii ugu horeysay ee Shir lagu qabto gudaha wadanka Soomaaliya kaa oo ay ka soo qeyb galaan dhinacyada Soomaalida oo idil basle ay jireen shirar badan oo gudaha dalka lagu qabtay laakiin aan wax sidaa u badan ka soo bixin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka sharaxaad ka siiyay machana Roadmap-ka islmarkaana uu sheegay in ay tahay inaan ka tageeno colaad, Kumeel Gaarnimo oo aan u guureyno dowladd rasmi ah iyo Cadaalad.

Sidoo kale, Wuxuu tilamaamay in Dib-u- heshiisiinda ay saldhigg u yihiin Odayaasha Dhaqanka islamarkaana Dib-u-heshiisiinta iyo dowladnimadu waxaa laga ma maarmaan u ah in waqti loo huro, waxaan rabnaa Dastuur soo celiyo dowladnimadii iyo Qarannimadii Soomaaliyeed lana badiyo la tashiyada si loo saxo waxa khaldan.

“Sida aad la socotaan Dastuurkii 1960-kii waa ansixiyay Ergo 110 qof aheyd”.Wuxuu sidoo kale xusay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in ay dowladdnimadu ku xiran tahay sida ay Odoyaasha Dhaqanka u soo culaan Baarlamaanka dambe oo ay Soomaaliya yeelan doonto islamarkaana ay 30% yihiin haweenka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ka codsaday iney soo dedejiyaan xuliska Ergada si waqtiga loo dhowro islamarkaana uu sheegay Odayaasha Dhaqanka in Ergada aad soo xuli doontaan waxa uu saameynayaa mustaqbalka dalka balse waxaa la idin ka rajeynayaa inaad soo xushaan dad u qalma mustaqbalka dalka. 

-DHAMAAD –

Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Deputy of Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online