Sh Maxamed Cabdi Umal oo si adag uga hadlay Dastuurka DFKM khudbo jimcihii maanta(Dhageyso)

May 4, 2012 - Written by

Nairobi:-Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa si adag uga hadlay khudbo jimcihii ee maanta Dustuurka DFKM ee dhaliyey buuq iyo kacdoon ay wadaan culumada iyo shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasi yiin iyo waxgarad ka soo horjeestay Dastuurka qabyo qoraalka DFKM. Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in Dastuurka ay soo daji yeen QM iyo gaalo sidaa darteedna aysan marna banaaneyn in ruuxa muslimka uu aqbalo Dastuur Khilaafsan sharciga alle .

Sheekh Umal ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qarinta iyo soo bandhigid la,aanta Dastuurka TFG iyo Odayaasha Dhaqanka ee la sheegay in ay ansixinayaan xili aysan odayaasha aysan qaarkood qori karin magacooda ama aysan fahmeyn wax la yiraahdo Dastuur.Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa baaq u jeediyey umada Soomaaliyeed wuxuuna ugu baaqay in aysan yareysan Masiirka Umada aysan aqbalin Dustuur ka soo horjeeda Shareecada Islaamka.

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/61l7nvt252/dustuurka.mp3]
Ama Halkan

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

21 Comments so far

Leave a comment

  1. يؤتى الحكمة من يشاء ومن يؤت الحكمة فقدأوتي خيراكثيراومايذكرإلآأولوالباب)))
    baarakal laahu yaa shekhanaa muslimiinta somaliyee wad arkeydaan culimada mow qif kooda walaalayaal,eynu ku dhaqanno diinteena akhii haddii ad aheed xuur uu lafiican yahay akhii xiqi ayaa kuu cadaaday culimadi ayaaa cadeysay xiligaan wixii kadam beeya ruuxii dib utaa geera xukunka culimada ayaa qabanahayo dac wadani gaarsii waal kaaga muslimka ahi oo dheh sh umal ayaa kahadlay wuxuna sheegay in uu yahay gaalmino ee iskadaa yaa akhii asc

  2. Sheekh umaloow bal ka waran hadii dastuurka la ansaxiyo oo la meel mariyo. Maxaad ku talin doontaa fadiilat sheekh.

  3. Shiikhow adiga iyo raga la midka ah waa inaad raadisaan inaad dastuurka la sheegayo akhrisaan, yaa idiin diiday inaad akhrisaan. Hadaad isku daydeen inaad aragtaan oo laydiin diiday, marka taas shacabka u sheega. Ma fiicna in la yiraahda dastuur ku sheeg ilaa aad akhriso, cidna culimada kama xigto ee dastuurka la sheegayo raadiya oo akhriya Alla haydin xafidee kadibna sida runta dadka u sheega. Waan garanayaa inaad umadda uga digayso dhib laga yabo in uu dasturkani keeno balse isku day inaad akhrido oo markaad aad qodob qodob uga bixiso sharaxaad waafaqsan shareecada Islaamka. Dadka badankiisa waa wareersan yahay idinkuna hawgu sii darina wareerkale idinka oo aan waxa la sheegayo akhriyin.

    s/c

    saadiq

  4. walalayaal sheikh umal ama cimada maanta joogta wax uga aqon badan xaalada dadka iyo dalka ma jiraan ,waxaan oran karaaa iyagaa aad cid walba uga aqoon badan destuur ha noqoto ama waaqica jira ha noqoto sheikh umal hadalkiisu waa hadal aad u culus oo misaaman kama..a muuqato wax ilduuf ah ,sheikhu maaha mucaarad wax waanta ka jecel inay somali nidaam samaysato ma jito sheikhu wuxuu ka digayaa qodobada khayarta wata ee ku jira oo ah mid hadhow aan waxba laga qaban karin xaqqana in la cadeeyaa waa waajib cayniya

  5. Walaalayaal yaan la dhibsanin sh. umal waa daaci u dhexeeya dadweynaha soomaaliyeed wixii khalad ah inla sheego waa diinta qaybteed nin jecleysina diinta kma mid aha. KHUDBADDII SH. UMAL Alle ha xafidee umaan arkin anigu in ay ku salaysantahay qadiyadda masiirka umadda waxay iila muuqataa in ay khaldantahay oo ujeedooyin kale huwantahay sababtuna waxay tahay.

    Isimada Soomaaliyeed ma aha sida uu sheekhu u sheegay umadda in ay iyagu ansaxinayaan distoorka ee muhimadoodu waa afar arimood oo keliya oo kala ah.

    1. In ay madaxdhaqameedka Soomaaliyeed kulan yeeshaan oo ay is xog waraystan xaaladda dalka iyo deegannada.

    2. In madaxdhaqameed kastaa soo xulo dadkiisa uu masuulka ka yahay qofkii ama dadkii uu u arko in ay qayb fiican oo umaddu ku kalsoon tahay oo xishoonaya oo aan ceeb iyo dheg xumo u keeni karin umadda iyo qabilka oo weliba Alle ka cabsanaya oo aan soomaali beri eed ka taban karin reerkaasi oo uga ayb gala gudiga ansaxinta Dastuurka dalaka.

    3. In madax dhaqameedku soo xulaan xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed ee 250ka ah ee samatabin doona umadda ee mustaqbalka iyagoo eegaya cidda u qalanta.

    Waxaan idiin sheegayaa in distoorkan ansaxintiisu ay tahay kmg inta afti caam ah laga qaadi doono dadweynaha soomaaliyeed taasina waxay daba taalaa dastuurkii 1960 oo ay ansaxiyeen ergo ah 110 qog 1961kiina afti caam ah loo qaaday maanta waxaa madasha fadhiya 850 ergo soomali ah. Shuyuukhda soomaaliyeed waa in ay caqli iyo aqoon iyoo waayo aragnimo iyo waaqica aqoon u yeeshan . looma baahna in aayadaha ilaahay iyo xadiiska nebiga -scw- lagu kiciyo umadda wax aanay waxba ka jirin.

  6. asalama calaykum
    dhamaan walaahi aniga say ila tahay kuligeen waxaan iska nahay mucaarad soomalidaa oo dhan ba mucaarad ah arag bal wax walba oo loo keeno sey uga hor imanayaan marka
    marka dowlad waa ku dhex noolankartaa haday sadex waxyalood ogoshahay
    salaada ugu horeyso marka wadaadkana waa mucaarad waligiis buuna mucaarad ahaa sida alshabaab oo kale
    marka mid soomaaliyey mid ogaada walaahi inaysan baan ku dhaartee inaysan dastuurkaan soomaliya oo dhan hadey mucaradaan inaysan joojinayn ee hadaad fikir fiican haysan 1 ougusto fikirka iyo talo wanaagsan hadaad haysaan banaanka soo dhiga sheekadaan iga hooya soomaliyay wabaa waxaa jiray wiil laraaciyay xoolo markaas buu maalin maalmaha ka mid ah waxaa uu ku qaylshay waa wareey wareey war arigii bahal baa usoo dhacay markaasaa magaaladii oo dhan soo yaacday si xoolaha bahalka looga dhiciya mise narkii meeshii la yimid mise qaylada wiilku waa been markaasuu hadana maalin kale ku celiyay mise hadana maalin kale ku celyay mise waa been
    maalintii danbaa xoolihii bahalkii runta ahaa usoo dhacay markaasuu wiilkii qayliyay markaasay dadkii dhaheen war naga daaya waa qayladii hore oo kalee
    marka waxaan hadal kusoo koobay its too late waxba yaan lacaacalin gooray fandhaal iyo dheri kala dhaceen
    arintu waa beesha caalamka oo 7 bilion ah marka ma joogto soomali oo 6 milyan ah saasaan uga baxay ama sheekhu ha hadlo ama yuuhadlin arinku waa ciise sii soco hadal wax ma taro ee xal midaysan hala keeno nabadeey

  7. sheekh alaha u brakeeyo cimriga khudbadana alaha nagu anfoco.

  8. asw,salaan kadib waxaan ilaahay u weydiinaynaain uu sheekha noo xifdiyo.
    waxaan u sheegeynaa umada soomaliyeed in ay iska ilaaliyaan in ay qaataan wax umado kale ay wataan oo gaalo ah,walal haddii dastuurkan ay soomali leedahay maxaa mahiiga uu u leeyahay qofkii kasoo horjeesta in la xiri doono denbiilana uu yahay,walalayaal umadaha markii loo dejiyo dastuur iyagaa an sixiya ama diida,tusaale ahaan markii dadka kenya loo qoray dastuurkii dhowaan la ansixiyey markii hor ay shacbku diideen,dib loo saxay kadibna ay ogolaadeen,walalayaal maxaa diidey in umadu ay waxay rabaana ay ogolaadaan wixii aanay rabina ay diidaan.walalyaal arinta qabiilka ha layska daayo oo arimaha hoos haloo fiiriyo insha alaah.

  9. sck ilhaahay sh,umal iyoculimada la mid ah ilaahay ha xafado.

  10. maanshalaah ,,, ilaahow aduun iyo aaqira kuxifdi shuuqnaa waxaad kahadashey qudbada dheer ooku saabsana mansalka ama mujtamaca somaliyeed ee muslinka ,hadan galadu donayaan in ay diintooda iyo dalkodaba duleyaan balse inshalaah waxan rajeynaya in ilaah kuwaas iyo galadaba all naga qabto una dhimano dalkeena iyo dadkena lala rabo gumeysiga insha laah adigan iyoculumadan waxaan alle idinkaga rajeynaya jandiisa fardoowso anaga kuwii ilaah kusugo xaqa alle ha naga dhigo aamin shiiqow iyo muslinka sigooni ah aan dalkna ugu duceyno

  11. Jazaa kalaahu khayraa Sheekh Mohamed Abdi Umal Xafida huallah.Soomaaliyeey waxaan ognahay oo cidana noosheegeen in dastuur gaal sameyay usan keeneen wax wanaag ah in khasaarada hada lugu jiro lagasiidaro mooyee inaad horuka-lasmeeneen lakiinse in ay waaji nagutahay inaan unoqono kitaabkii alle aanunu u xukun tagano. Wajazaakum khayraa Wasalaamu Calaykum Waraxmatu allaahi wabarakaatuhu.

  12. sow ma fiicnaan lahayn in ay culimadu goobta tagaan oo xaqa iyo baadilka umada u kala cadeyeen.

  13. asalaamu calaykum wrwb allah ha xifdiyo culimadeena wax badan ayey u cadeeyeen umada balse dadkii ayaa madax adkaaday allow nagu sug diinteena allahuma amiin

  14. Aniga way ila khaldanayd khudbadii sh.umal nuxurka iyo xiliguba. Waxaa sidoo kale aanan ku raacin sheekheena in uu 135 isin ku sifeeyo jaahiliin si ay iyagu yihiin kuwa distoorka ansaxin raba. I

  15. Asalama caleykum

    Sheekh Umal Allaah ayaan u weydiinayaa in uu xifdiyo isaga iyo inta la midka ahba. waa indhihii ummadda.

  16. ASC WRX WBR Mashaa allaah waa khudbo muhiim ah sheekh umal allaha barakeeyo allaha xifdiyo walaalaha halgana jazaakumullaaah waxana idiinkugu naseexaynayaa wararka aad qortaan waa muhiim laakiin kan hada aad qorteen oo ku sabsan isimada aadaya muqdisho si dastuur gaalo dejisay u saxiixaan ha qorina waayo halgan waa shabakad islaami ah jazaakumullaaaaah

  17. sh. umal khayr allaha siiyo waxaan jeclaan lahaa sheekhu inuu muujiyo qodobada khaldan ee dastuurku xambaarsanyahay intuu soo akhriyo

  18. (وتعيها أذن واعية)
    baaraka laahu fiik yaa sheehk allaahna ha noo badiyo adoo kale.
    somaaliyeey allah aan u toobad keenno, dadkeenana aan wanaaga u horseedno kuna hogaaminno jidka toosan.

  19. Afkaaga caana laguqabay sheekh Umaloow.
    Hadii waxlaguqaadanayo Xaqii waad cadaysay.Alle hakaa abaalmariyo.

  20. asalmcww sheekh umal jazakallah khair ilaahay cumriga hakuu dheereeyo ilaahayna cimrigaaga hakuugu khatimo camal sooban culimada somaliyeed waxaan ugu yeerayaa in ay uga hadlaan sida sheekh umal si cadaadis loo saaro nimanka masuuliyiin say uga noqdaan

  21. Jazaakalaahu Kheyr, Sheekh Umal, sidaad u asiibtay meesha ay ciladu ka jirto. Allaha noo barakeeyo Culimadeena.

Leave a comment

*