Shirka Istanbul 2 oo saaka ka furmayo magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiya

May 31, 2012 - Written by

Istanbul:-Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga shir looga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya kaas oo ay ka soo qeybgalayaan saxiixayaasha Road Mabka iyo 54 dal .

Shirka ayaa waxaa hurmuud ka  ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon iyo Raysal wasaaaraha dalka Turkiga Rageb Dayib Erdogan.;Shirka ayaa socon doona laba Maalmood waxaana shirka sidoo kale qeyb ka noqon doona Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed,Raisulwasaare Gaas,Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM ,Madaxweynaha Puntland iyo Galmudug oo soo gaaray saaka dalka Turkiga.

Waxaa kale oo shirka ku sugan gudoomiye ku xigeenka Ahlu Sunna Maxamuud Aw-Libaax iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia Augistine Mahiga iyo madax ka socota Maamulka S/land.

Shirka maanta ayaa waxaa looga hadlayaa kaabayaasha dhaqaalaha sida Biyaha ,Tabarta ,Wadooyinka waxaana khudbadii ugu horeysay ka jeedshay kuxigeenka raysal wasaaraha Turkiga Beker Bozdag wuxuuna sheegay in magaalada Muqdisho ay ka soo kabaneyso ka dib ka bixitaankii Al-Shabaab.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online