Tolow Maxaan isu badali la’nahay W/Q Ustaad C/qaadir Jaamac

May 15, 2012 - Written by

Portland:-Aduunyada aan manta ku noolnahay waxaa ka jira 196 dal (inta xoriyada haysata). Somalida waa dalka kaliya oo aan lahayn dowlad dhexe oo shaqaynaysa laga bilaabo 1991. Marka 195 dal oo isugu jira dowlado Muslim ah, kuwa gaalo ah iyo kuwa cawaan ah oo aan waxba aaminsanayn intaba waxa u suura gashay inay is maamulaan oo dhulkii Illaahay uu ku abuuray oo aabayaashood iyo awooweyaashood ay ku noolaadaan. Hadaba maxay tahay sababta keentay in Somaliya oo iyaga oo dhanba lugu qiyaaso 10 malyuun oo isku dad ah, isku diin ah, isku af ah oo hadana isku dhaqan ah ay ugu heshiin la’yihiin inay is maamulaan oo barwaaqada Alle siiyay wada dhuuqaan. Jawaabta kooban waxay tahay inaan nicmadii Alle nugu manaystay aan celin kari weynay sababtoo ah barwaaqada waxaa lugu ceshadaa mahadnaq Alle taasoo aan gefnay. Ilaa hada ma aanan hilmaamin  bishii decembar1990 ayaa Masjidkii Ceel Hindi ee Sh Dahir uu tafsiirka ka akhrin jiray ayuu sheekha ka sheekeeyay in sodonkii sano oo xoriyada aan haysanay aan dambiyo iyo dulmi badan  kasbanay taasoo uu sheegay inaan hada mirihii aan beeranay aan goosanayno. Runtii anigu markaas marna ismaoran21sano oo soo socota ayaa mirahaas xun oo noocyo kala duwan ah ayaad ka waraabi doontaan. Kheyr Allaha siiyo Sh Dahir Aw Cabdi iyo culimada lamidka ah ee aragtida dheer oo runtii dhibta dadkooda ku dhacay aan qayb ka noqon. Hadaan tusaale kale isku dayo inaan bixiyo in dhibta na haysata ay tahay wax aan gacmaheena ku kasbanay oo weliba naloo dhaafay in badan;

Magaalada Qaahira dadka ku nool waxaa lugu qiyaasaa 19-20 malyuun oo qof. Dadkaas oo idil hal magaalo ayaa wada qaaday oo ay fuulkooda iyo ceyshkooda Alle ku yaqaanaan, Somalidiina cad iyo caanihii bay calfan waayeen oo Illaahay uga mahad naqi waayeen waxayna ku badaleen inay is dilaan oo ay is dhacaan oo ay is dulmiyaan.

Waxaan maalin meel takhtar ah kula kulmay nin ciraaqi ah markaas ayaan is waraysanay war dalkaagii ka waran iyo dalkaagii ka waran; wuxuu iigu jawaabay inaga  Ciraaq waxaan nahay dad aan isku dad ahayn (Carab,Kurdi,Turkumaan) isku diin ahayn(Muslin iyo Kiristan) isku madhab ahayn(Sunno iyo Shiico) sidaas darteed mushkiladeena way adag tahay. Markaas buu i waraystay idinka hadaad Somali tihiin oo intii ummad ku midoobi lahaydba uu Illaahay idinku manaystay maxaa idinka khaldan? Jawaabtaas akhristow adigaan kuu daayay. Illaahay (SW) wuxuu aayada ku leeyahay macnaheeda uu yahay:” Alle ma bedelo xaalad ay Ummad ku sugan tahay ilaa ay iyagu marka hore is bedalaan” oo naftooda wixii xumaa ay wax fiican ku bedelaan.

 

Ma ka toobad keenay wixii aan galabsanay?

Hadaba inaga Soomaalida ah danbigii iyo dulmigii aan hore u kasbanay oo na dhaxalsiiyay burburka, dowlad la’aanta, iyo magacxumo meel walba oo aan cagta dhignay; ma ku fahamnay inaan Alle u noqono oo qof walba uu naftiisa ka bilaabo oo xumaanta faraha kala baxo towbadna la yimaado. Mise weli waxaan u ciil qabnaa xumaan kale iyo dulmi kale oo isaguna mirihiisa aan wakhtiyada soo socda goosan doono?.

 

Xagee nalaga soo galay?

Sidaan ognahay nabigeena Maxamed NNKH Allah wuxuu qur’aanka ugu sheegay dagaalkii Uxud ee Muslimku dhibta badan uu soo gaaray; 70 asxaabtii ugu qiimaha badnayd lugu dilay Allaha ka raali noqdee, nabiga NNKH la sigay; in la yiri “NAFTIINA AYAY KA TIMID” lama oran mushrikiinta Carabta ayaa sababay amase Khaalid Ibn Walid ayaa idin dhabar jabiyay. Halkaas waxaan ka fahmi karnaa in dhibaatada nugu dhacday inagu aan qaadayno mas’uuliyadeeda koowaad.

. Arimaha ugu waaweyn oo ummadeena dhibta haysata ku sii fogeeya waxaa ugu horeeya:

1.Warbaahinta intooda badan kuwaasoo ka shaqeeya isku dirka Soomaalida iyo inay boogtii jirtay ay maalin walba sii fagaan; sidoo kale website-yada ciidaas ka badan oo har iyo habeen u taagan oon ka daalayn inay Ummada isku dirkooda ka shaqaynayaan.

2. Qolada lugu tilmaamo “ Aqoon yahano”; waa niman Phd iyo Mastar wada wata laakiin anigu aanan fahmin iyaguna aan filayo inaysan is fahmin. Nimankaan waa kuwa aan isleeyahay qeyb libaax bay ka qaataan inay Soomaalidu sii kala fogaadaan. Sababtu waxay tahay Ummad waxaa badbaadiya dadkooda wax bartay haday yihiin Diin iyo Cilmi aduunba. Balse Soomaalida waxaa lugu ibtileeyay Proffesor raba dantiisa gaarka ah inuu Qabiil ku gaaro markaasay iyagiina dhumeen dadkiina dhumiyeen.

Waxaan aamin sanahay hadii Soomaalida is nacday oo midbakankale uu u arko cadowgiisa qura  ay ku badalaan is jecayl iyo walaalnimo inuu geedi socodka nabada ay tahay halkaas meesha uu ka bilaabanayo. Nabigeena Maxamed NNKH wuxuu yimid Madiina Al Munawara iyadoo labadii qabiil ee hore u daganaa Aws iyo Khasraj ay afartan sanno isu laynayeen qabiil; markaasuu wuxuu ku yiri “KA HARA WAA QURMUUNE”. Markaasay waxay heleen sharaf iyo nabad ilaa ay aduunyadoo dhan gaarsiiyeen risaaladii Islaamka.

 

Maxaa nala gudboon?

Inaadan ka qabqaadan wax kasta oo keenaya dhibaatada na haysata inay nugu sii baahdo ayaa ah adcafu al iimaan ama inta ugu yar oo aad sameyn kartid.

Ma rabo inaan iraahdo maahmaahdii Somaliyeed oo ahayd “Cidna uma maqna ceelna uma qodna” balse waxaan leeyahay Allana waan leenahay oo aan ku kalsoonahay inuu dhibta naga saari doono mar dhow Insha Allah. Laakiin, intaas ka hor waxaan u baahanahay inaan kuligeen Alle u noqono oo towbad dhab ah aan la imaano:

Shardiga towbadu waa afar:

1.Inaad dambigii  faraha kala baxdid.

2. Inaad ka qoomameyso.

3. Inaad go’aan ku gaartid inaadan dibdambe ugu noqonayn.

4. Inaad hadii xaq bani aadam uu yahay aad xaqa iska celisid ama ka cafis dalabtid.

 

Yaa Ugu Munaasibsan Inay Hogaamiyaan Geedi Socodka Nabada?

Culimada ayaa ah dadka looga fadhiyo inay ka shaqeeyaan sidii ummadaan wanaag loo dhexdhigi lahaa. Waxaan aaminsanahay hadii culimada Soomaaliyeed ay howshaan u istaagaan Allana u talo saartaan, kaalmaystaana bulshada qeybaheeda kala duwan sida Odayaasha “Duubabka”,ganacsatada mukhlisiinta ah, dhalinyarada iyo haweenkaba inay Illaahay idankiis mudo yar Ummada kalsooni ku dhex dhigi lahaayeen.

Waxaan aamin sanahay inay Soomaalidu yihiin dad fariid ah awoodna u leh Illaahay idankiis inay is cafiyaan oo xumaanta iyo colaada wanaag iyo is jeceyl ku badali kara.

 

Gunaanad

Waxaan ugu dambeyntii xusuusin lahaa dadka walaalahay ee Soomaalida ah inay ogaadaan inay jiraan dad inta nakala gaartay ka badan ay kala gaartay oo dagaalo sokeeye uu dhex maray hadana aan isku diin iyo isku madhab midna ahayn hadana ka heshiiyay kadib markay ogaadeen inay waajib tahay inay heshiiyaan; sababtoo ah jiritaankooda ayaa ku xiran arintaa; sida Lubnaan, Ruwanda, Siiralyoon etc.

C/qaadir Jaamac
Portland
Halgan.net

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Jazaka Allahu khyran wa axsana ilayk, runtii wa u baahanahay inan is cafino, arintas ilahay SWT hana wafajiyo.

Leave a comment

*