Weerar lagu qaaday ciidamo ka tirsan dalka Kenya oo u kala gooshayey degaanka Dadab iyo Liboi

May 30, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa caawa weerar lagu qaaday ciidamo Kenya ah oo marayey deegaanka Liboi ee xadka dalka Kenya waxaana weerarka ku dhaawacmay 4 asakri oo ka tirsan Booliska dalka Kenya waxaana weerarka uu sidoo kale khasaaro gaarsiiyey gaari ay wateen ciidanka Kenya.

Gaari ay wateen ciidamada Kenya ayaa waxaa uu ka yimid Degmada Dadab waxa uuna ku sii jeeday Magaalada Liboi oo ku taala xuduuda dalka Kenya la wadaago dalka Soomaaliya . Weerarkan ayaa waxaa uu ahaa mid gaadmo ah waxaana goobta weerarka uu ka dhacay isaga baxday kooxdii weerarka ku qaaday ciidamada Kenya .

Weerarka caawa ka dhacay Deegaanka u dhexeeya Liboi iyo Dadab ayaa waxaa ku dhaawacmay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska oo magaciisa lagu sheegay Mr Stanley Kimatu dhaawaciisa ayaa ah mid culus. Dhamaan askartii ka dhaawacantay ciidamada Kenya ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka Dadab  waxaana isla caawa ka sii qaaday diyaarad Helicopter ah oo geyn doonta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Weerarka caawa lagu qaaday ciidamada Kenya ee u kala gooshayey deegaanka Dadab  iyo Liboi ayaa waxaa xaqiijiyey Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Waqooyi Bari Leo Nyongesa isaga oo sheegay in askarta qaarkood uu dhaawacooda uu aad u liito. Waa weerarkii labaad ee caawa ka dhacay dalka Kenya iyada oo saacado ka hor qarax uu ka dhacay magaalada Wajeer qaraxaas oo sababay khasaaro kala duwan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online