Al-Shabaab oo ku tilmaamay shirka Istanbul mid lagu shirqoolayo umada Soomaaliyeed

June 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shirkii ka dhacay magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga kaas oo looga hadlayey arimaha Soomaaliya waxaana ay ku tilmaameen mid dhameystiraya Shirqoolada loo maleegayo dalka  Soomaaliya .

Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in shirkii lagu soo afmeeray magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga uu dhamaystir u yahay shirqoollada iyo dhibaatooyinka lagu hayo ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in shirka uu uu gunaanad u ahaa  shirkii ka dhacay magaalada Lodon wuxuuna ku tilmaamay mid fashilmay ayna aqbali doonin .

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa hoosta ka xariiqay  in qodobada ka soo baxay shirkaasi ay waxba ka qusayn umada Islaamka ee Soomaaliyeed kuwaas oo lagu baneysanayo ayuu yiri dhiigooda iyo hantidooda.

Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal kula jira ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM waxaana ay dhowr mar sheegeen madaxada Ururka iyo Saraakiishooda in ay wadayaan dagaalka ay kula jiraan DFKM iyo kuwa AMISOM ilaa ciidamada Afrikaanka ay ka baxaan Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online