Baaqii Gabogabada Shirka Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America ee Sanadka 2012ka

June 2, 2012 - Written by

Minnesota:-Ilaahay ayaan ku mahadinaynaa na waafajiyey guul inuu ku soo dhamaaday shirkii 11aad ee golaha imaamyada soomaalida waqooyiga America oo sanadkan lagu qabtay Masjidk Abubakar As-saddique ee magaalada Minneapolis Minnesota.

Goluhu wuxuu u dardaarmayaa jaaliyaadka muslimka ee Soomaaliyeed ee dibadda iney diintooda qabsadaan Masaajidda iyo imaamyada iyo ducaadda iyo qof kastoo wax garad ah waxaa ilaahay hortiisa ka saaran xil dadka dibadaha ku daadsan.

Dadka waxaan ugu yeereynaa iney kusoo xirmaan maraakista iyo culimada si ay diintooda u badbaadsadaan, maraakistana xubna fir fircoon ka noqdaan.

Dacwada Islaamka iyo fidinteedu waa xil saaran qof kasta oo Muslim ah, loogana baahanyahay inuu si daacadnimo iyo hawlkarnimo ah u guto. Muslimiinta guud ahaan waxaan ugu yeereynaa midnimo iyo iney xarigga Ilaahay wada qabsadaan si ay liibaan adduun iyo aakhiro u gaaraan. Waxaan Muslimiinta Guud ahaan, Gaar ahaanna ummadda Soomaaliyeed uga digeynaa khatarta iyo cirib xumada ay leedahay khilaafka iyo kala qaybsanaanta, heer kasta iyo qola kastaba ha noqotee.

Ummadda Soomaaliyeed Distuurkeedu waa Shareecada Islaamka oo waqti kasta iyo meel kastaba ku habboon, liibaan iyo horumar, cizi iyo sharafna lagu gaaraayo. Distuur kasta oo meel aan iyada ahayn laga keenayna waa halaag iyo cirib xumo Culimada Soomaaliyeed xil weyn ayaa ka saaraan diinta iyo dalka iyo badbaadintooda.

Waxaana looga baahanyahay iney xilkooda si geesinimo leh u gutaan, meelna uga soo wada jeestaan ka hortagga khataraha kala duwan ee ku socda.

Halkan ka Daawo Masawirada kulankii Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America

Bayaankii Shirka Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America hoos ka akhriso.

baaq

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online