Booliiska Boosaaso oo soo bandhigay nin ay sheegeen in uu ka soo goostay ururka Al-shabaab

June 20, 2012 - Written by

Boosaaso:-Taliska ciidanka Booliska Boosaaso ayaa waxaa saxaafada u soo bandhigay nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidanka ururka Al-shabaab ee ku jira Buuraha Golis. Ninkaan oo shalay saxaafada loo soo badhigay ayaa waxaa magaciisa lagu magacaabaa Maxamed Faarax Ciise. Maxamed Faarax Ciise ayaa waxaa ay saxaafada wiidiisay su,aalo dhowr ah oo ay ka wiidiiyeen sababaha uu uga soo baxay kooxdii uu ka tirsanaa iyo wax uu kooxda Al-shabaab ee Golis uu u qaabilsanaa waxaana uu ku jawaabay “ Waxaan ahaa dadkii dhalinyarada ururka Al-shabaab ay ugu yimaadeen degaanka GalGala in mudo ah baan la shaqayna yey waxaan u qaabilsanaa dhinac adeeg kama tirsanayn ciidanka u dagaalamayey waxaan ahaa kaliya oo aan ka taageeri jiray waxa ay uga baahdaan degaanka. ”

Mar la wiidiiyey Maxamed Ciise waxa ku kalifay in uu ka soo goosto ciidanka Al-shabaab ee ku jita Buuraha Golis ayaa ku jawaabay “ waxaan uga soo baxay markii aan arkay dadkii degaan ka oo ka barakacay degaanka halka qaarna kalena la dilay .”

Ugu danbayntii ayaa Maxamed Faarax Ciise waxaa uu baaq u diray dhalinyarada ka tirsan ururka Al-shabaab ee ku jira Buuraha Golis isagoo ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan degaanadooda wuxuuna sheegay in soo dhaweyn fiican uu kala kulmay masuuliyiinta Gobolka Bari iyo Saraakiisha ciidanka Puntlland. Maalmihii la soo dhaafay ayaa saxaafada ka howl gasha degaanada Puntlland waxaa loo soo bandhigay ilaa 4 dhalin yaro ah oo ay wasaarada amniga Puntlland ay sheegtay in ay ka soo goosteen ciidanka Al-shabaab ee ku jira Buuraha Golis, ilaa hadda ma jiro masuul ka tirsan ururka Al-shabaab ee Buuraha Golis oo  ka hadlay dhalinyarada loo soo badhiga saxaafada lana sheegay in ay ka soo goosteen ciidankooda.

Dhinac kale  Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Cismaan Xassan Cawke (Afdalow) oo shirkaas jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa uga digay dad weynaha  ku nool Boosaaso in  guryahooda ay ka kireystaan dad aysan aqoon qofkii dad uusan aqoon ka kireeyeya gurigiisana uu isagu masuul ka noqon doono amni darada uu qofka uu gurigiisa ka kireystay uu la yimaado.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Cismaan Xassan Cawke (Afdalow) ayaa sidoo kale uga digay  Hotelada in qof aan la aqoon laga kireeyo ka dibna uu dad kale si hoose uga sii kireeyo arrin kaas oo buu yiri Taliyihu aan aragnay  dad ku kacay oo guryo iyo Hotelo aysan lahayn sii kireeya. Taliska ciidanka Booliska dowllada Puntland ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Boosaso iyo magaalooyin kale in ay foojig naadaan ayna ilaaliyaan lana shaqeeyaan laamaha amaanka iyo ciidanka Booliska si nabadgelyada iyo amni darada looga hortago.

M_M_Deeq
Boosaaso

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Ilaahayoow Soomaalida ku hanuuni jidka saxda ah. Dhalanyaridana ka dhig kuwii ka badbaadiya umadooda dilka iyo xadgudubka ay ku hayaan kuwa xun xun ee naga mid ah. Ilaahayoow Soomaaliya nabada ku soo celi…Amiin

Leave a comment

*