Nin walba siddo la qabto wuu leeyahay Sheekh Shible Vs Sheekh Xasaan(Dhageyso)

June 15, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa maanta halkaan idiinku soo gudbinayaa maqaal aan ku eegayo in culimada dalka Soomaaliyeed muxaadaraad ama duruus ay jeediyeen laga soo jar jaro cod si markaas loogu adeegsado in culimada Soomaaliyeed sharaftooda iyo diinta ay xanbaarsan yihiin loogu xadgudbo haddaba waa maxay u jeedadda ka danbaysa arrinkaas yeyse dani ugu jirtaa.?

Dad badan oo Soomaali ah gaar ahaan dhalinyarada la soo hanaqaaday baraaruga saxwada dalka Soomaaliya ayaa in badan oo ka mid ah waxaa ay la yaaban yihiin culumadii ay ku yaqaan kheyr ka iyo fidinta dacwada Soomaaliya oo qaar ka mid ah baraha Internetka la soo geli nayo coddad laga soo gooyey duruus ama muxaadaraad ay jeediyeen mar hore ka dibna loo tuso dadka in ay yihiin dad cadaw ku ah diinta Islaam ka ahna kuwa la shaqeeya dalalka ay ciidamadoodu ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

U jeedadad ka danbaysa in Culimada Somaaliyeed in la ceebeeyo laguna diro Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa sal u ah dhowr arrimood.

1- Nacayb loo qabo cilmiga diin ay xanbaarsan yihiin.

2- Nacayb xasdi loo qabo Fadliga ay dheer yihiin dadyowga kale.

3- Naceyb Urur diini ah oo ay ka tirsan yihiin.

4- U adeegid Hay.addo neceb wax culimadu xanbaarsan yihiin oo ah diinta si dadka islaamka ah gudaha looga dumiyo.

5- In culimada dhalinyarta ama shacabka wax ka barta laga kala cayriyo ama ugu yaraan lagaliyo tashwiish ah culimadii ,iyo ducaadii soomaaliyeed iyagaaba dagaalsan ee yaa wax laga dhagaystaa arrinkaas oo si sahlan ay uga faa’iidaysanayaan Hay,addaha shaqada geliyey kuwa culimada caaya ama ceebeeya ama gafafkooda raacraaca una furtay baraha internetka.

Culumada sida joogtada ah loogu beenabuurto ayaa in badan waxaa alle fadligiis ah in lagu yaqaan diin iyo wanaag iyo dhowrsanaan taas oo u saamixi weyday kuwa culimada cadowga la’ ah in la dhagaysto.

Dad dhalinyaro u badan waxaa isaga qaldan Ijtihaadka u gaarka ah Caalimka wuxuuna mararka qaarkood kala saari waayaan Mas’alada la isku hayo talow ma tahay mid ugub ah ama Nawaasil ah ama waa mid qadiim ah taas oo u baahan kala saarideeda cilmi iyo aqoon.

Dacwada salafiga ee Soomaaliya ka hana qaaday ayaa waxaa lagu yaqaanay kala danbeyn ixtiraamka culimada iyo u hiilinta mar walba xaqa iyada oo aan cidna lagu xad gudbin lana gaaleysiin taas oo qof walba oo goob joog ka ahaa saxwada Islaamka ee Soomaaliya uu ka marqaati kacayo .

Dacwada Salafiga ee Soomaaliya waxay soo saaratay alle fadligiis dhalinyaro walaalo ah oo is jecal kuna danbeeya culumadooda iyada oo ay gaareen in kutubta qaar ay ka dhageysan jireen culumo aan ahayn tayaarka salafiga ah iyaga ka qaadan jiray wax nusuusta waafaqsan wax kalana ka tagi jiray.

Hadaan u soo dhaadhaco gunaanadka hadalkeyga waxaan isha ku dhuftay baryahaan muxaadarooyin ay jeediyeen labada Sheekh ee kala ah Sheekh Maxamuud Shible iyo Sheekh Xasaan Xusen kuwaas oo Sheekh walba inta ijtihaadkiisa iyo cilmigiisa uu la gaaro umada u jeedi nayey balse waxaan arkay in Shabakadaha qaar ay ka dhigeen in labada wadaad ay iyagu is haayaan.

Shabakadaha qaar ayaa gaarsiiyey in Sheekh Shible in uu gaal yahay ama uu gaalada u shaqeeyo iyo murtadinta oo haddii aad raadraac ku sameyso erayada ay isticmaalayaan aadba u naxayso diintooda halka ay Sheekh Xasaan ka dhigeen caalim aan laga daba hadli karin taas oo ah rayiga ay qabaan iyagu.

Ujeedkeyga maaha in aan kala xigsado 2-da Sheekh balse u jeedadad maqaalkeygu ayaa waxaa uu yahay bal in aan akhristayaasha faraha badan ee daalacda Halgan.net aan tusno tusaale yar oo kooban oo ku saabsan codadka culimada ee la soo jarjaro ay aad u sahlan tahay in wadaad walba laga soo hellayo muxaadaraadkii ama duruustii uu galay mawaaqif iyo ijtihaadaad iska soo horjeeda  bal maanta aan eegno Sh Shible iyo Sh Xasaan Xuseen oo ka hadlaya gelitaanka Baarlamaanka dowllad gaal ah sida Kenya.

Hoos ka Dhagayso Qowlkii Koowaad uu Shiikh Maxamuud Shible ku baneeyey in laga qayb qaadan karo xilna laga qaban karo dowlo Gaalada oo looga awood badan yahay Muslimiinta

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Shible_1.mp3]

Ama Halkan MP3

Masa,alada ay 2-da Sheekh uu nin walba wadaantiisa ku ritay waxay ahay dad muslin ah oo laga awood badan yahay ma ka qeyb gali karaan Baarlamaan dowlo gaalo ah oo ay ku hoos nool yihiin tusaale ahaan dalka Kenya oo 2-da Sheekhba ay hadda ku nool yihiin.

Sheekh Maxamuud Shible waxaan ku soo bandhignay Halgan.net isagoo ka hadlay arrinka ku saabsan  in Baarlamaan dowllad gaalo ah la geli karo si loo yareeyo sharta gaalada isaga oo daliilsaday qisadii Nabi Yuusuf halka Sheekh Xasaan Xusen uu leeyahay intaan ka arkay ilaa 2-bo qowl  oo ah.

1-Qowlka hore waa ogol yahay Sheekh Xasaan Xuseen sidda aad ka dhageysan doontid mar su,aal la weydiiyey Shiikh Xassan Xuseen xili uu ka baxay kitaabka Adabul Mufradka ah ayaa waxaa uu shiikhu la wiidiiyey in laga qayb qaadan karo doorshada dalka Kenya Shiikha Xassaan Xuseen ayaa ku jawaabay  ” waa in aad doortaan Nimankaan muslimiinta ah ee dowllada noogu jira ama xilibaanda waana arrin aad ku qasban tihiin inaad u codaysaan waad ku qasban tihiin haddii kale dalkaan iskaga guura la soco yeyse ku dhaafin Shiikha Xassaan Xuseen Qisada Nebi Yuusuf Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee buu daliishanayaa inta kale aan idiin kala baxo akhristaha iyo Sh Xassan Xuseen.

Hoos ka Dhagayso Qowlkii Koowaad uu Shiikh Xassaan Xuseen ku baneeyey in laga qayb qaadan karo doorshooyinka dalka Kenya iyadoo la dooranayo Tartamayaasha Muslimiinta ah wuxuuna daliishanayaa Qisadii nabi Yuusuf nabadgalyo korkiisa ha haatee
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/xasaan_doorasho1.mp3]

Ama Halkan Ka Dhageyso MP3

2- Qowlka labaad ee Sheekh Xasaan Xuseen waaba uu diidayaa in laga qayb qaato doorashooyinka dalka Kenya ama loo kala codeeyey siyaasiyiinta u tartamay ka mid noqoshada dowlada Kenya oo ay ku jiraan Soomaali  Shiikha ayaa si cad uga digaya in aan  la kala taageero tartamayaasha isagoo qofkii ka qayb gala doorashada uu shiikhu leeyahay qofka wax doorta ayaa Shiikhu ku sheegayaa qof Ilaah sharci dajiy ah doortay qofka codka bixiyey waxaa la isku haystaa buu yiri Shiikhu ma muslin baa mise gaal yeyse ku dhaafin Shiikha Qisada Yuusuf buu daliishanayaa haddana  aan idiin kala baxo akhristaha iyo Sh Xassan Xuseen.

Hoos ka Dhagayso Qowlkii Labaad uu Shiikh Xassaan Xuseen ku diiday in laga qayb qaato doorshooyinka dalka Kenya isagoo si adag uga digaya.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/ShXasan_2.mp3]

Halkan Ka Dhageyso Mp3

U jeedada Maqaalkaan ayaa waxaa uga danleenahay bal in aan tusino Umada Soomaaliyeed ee lagu jahwareeriyey in culimada Soomaali yeed intii codadkooda la soo gooyo haddana si fool xun loo aflagaadeeyo bal akhristow sow ma aragtid tusaalaha gaaban ee maanta ay bah da Halgan.net ay tusaale ugu soo qaadatay in labo qowl oo uu leeyahay Sh Xassan Xuseen iyo qol uu leeyahay Sheekh Maxamuud Shible oo ku saab san arinta ayaantaan socotay oo ah qof muslin ah ma geli karaa Baarlamaan dowllada  gaalo ah  qofkii doortaa xukunkiisu waa maxay ?? wax laga hadlayo waa dowllad gaalo ah oo dad muslin ah oo Aqaliya ku ah ay ku nool yihiin tabar badan aan hayn marka Mas’lladu waxaa ay u quduucaysaa ama laga eegayaa Baabka loo yaqaan Maalix iyo Mafaasid.

Halkan ka Dhageyso Sheekh Shible oo jimcihii labaad sii waday Qisadii Nabi Yuusuf NNKH

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Khudba_Shible2.mp3]

Halkan Ka Dhageyso MP3

Haddaba Akhristow waxaa rabaa oo kaliya in aan idin tuso in Shiikh walba duruusta iyo muxaadaraadka uu akhriyey laga heli karo Aqwaal iska soo horjeeda ama Ijtihaadaad kale duwan taas oo ay ugu wacan tahay hadba waqtiga iyo marxalada uu shiikhu ku sugan yahay ama waxaa laga yaabaa in cilmi ka qarsoonaa uu u soo kordho.

Ugu danbayntii waxaa uga digaynaa kuwa raba in ay isku soo caan bixiyaan wax ka sheega culimada Soomaaliyeed ee waaweyn ama ducaada kheyr lagu yaqaan in ay ku hungoobi doonaa inta aduunka la joogo aakhirana ay xisaab ka danbeyso; hadafka iyo u jeedadad aan ka leeyahay maqaalkaan waxaa weeye in umadu aragto  in Shiikh walaba haddii duruustiisii dib loo raaco la heli karo hadalo ama fatwooyin ka duwan kuwa maanta uu u fatwoonayo dhalinyara iyo ardayda isaga ku xiran mana ah mid hal shiikh ku gaar ah.

Hadaba Waxaan kula dardaarmayaa raga leh Shabakaddaha Internetka ee caadaystay in ay soo kala gooyaan hadal Sheekh yiri ama ku been abuuranaya ama dani xun iyo gaaleysiin gaarsiinaya in ay alle ka baqaan oo ay iska daayaan culumada ay aflagaadeynayaa oo wixii masalo diini ah ee khaldan ay u daayaan culimada Soomaaliyeed.

Maqaalada xiga ayaa haddii Alle noo sahlo waxaa ku qaadaa dhigi doonaa Masaa’il kale duwan oo culimadii Salafka ahaa ay ka lahaayeen qowl hore iyo mid danbe  Allaha towfiiqda na waafajiyo.

Cabdi Casiis Maxamed
Halgaan.net

27 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC WALAALAYAAL INKASTOO AAN DHAGEESTAY SHEEQA OO LABA QOOL KA LEH BAARLAMAANKA WAXAAN DHIHIN KARAA CULIMO KA HOREEYSAY KANA CILMI BADAN AYAA MASAAISHA QAAR WAXEEY KA LEEYIHIIN 2QOOL MARKA WAXAA DHACDO QOFKA MARWALBO OOCIMRI U KORDHO AQOONINA EE U KORARTO SHALAY HADII QOOLQALDAN UU LAHAA MAANTA WAA INUU SAXAA TAASNA WAA AMAANADA CILMIGA LKN WAXAAN ORANLAHAA INTA BAARLAMAAN LOO CARARAYO YAAN NABI ALLE LA ORAN XUKUNGAAL AYUU KU QANACSANAA BAARLAMAAN SHARCI DAJIYA UMADA MUSLIMKA WEEY KA DHANYIHIIN WAXAAN HEESANAA KITAAB ALLE TAANA WAA IGA NASEEXO

  2. asc ku socoto : dhamaan soo diyaariyasha, isku dubarida iyo soo saarayasha barnaamijkaan waxaa leeyahay uga faa’iidaystay waxa aad qoreysaan si ay adinka iyo dadka aqrisanayo ay uga helaan wanaag, sidaa daraadeed ma ila haboona in aad iska horkeentaan culumada somaliyeed, oo aad isku buridaan aqwaashooda. hadaba ogaada in aysan macsuumiin aheyn culumadu ee ay yihiin bini’aadan oo ay ku qaldami karaan daliishooda. marka fadlan ka yareeya buunbuuninta oo xasuusnaada xadiiskii ahaa .

  3. asc walaalo dhamantin bal u firsada horta

  4. ASC War alle halaga baqo culimadana yaan la aflagaadayn.qofku wuu qaldami kara waa binu adam.

  5. walaalaha halgan net waxaan u sheegayaa in ay aaad u mahad san yihiin ilaahayna ha ka abaal ariyo,soo bandhigida fiican ee xaqiiqda.
    walalaha akhristayaasha ah waxaan u sheegayaa in ilaa hadda waxa sheekh xasaan ilaaahay kasokow difaca ama lagaga baqo waa nimanka ay isku cida yihiin ee klu jira dowlada iyo baarlamaanka kenya,oo ay taageerayaashiisu u yaqaanaan abdu daaliin oo waxay ku leeyihiin iyagoo gaalo ah ayayey sheekh difaacayaan abu daaliba isagoo gaala ayuu nebi maxamed difaaci mjiray scw.waxaa dhacday mar sheekha lagu xiray nairobi in nin muslim ah oo soomaali ah oo askari ah uu u keenay cadayo iyo weeso uuna la tukday,markaas ayaa ragii sheekh lala qabtay nin ka mid ahi yiri sheekh kani waaba gaale muxuu ka tukanayaa,sheekh wuxuu ku yiri war naga aamus.
    walalayaal wax baadan oo xaq

  6. Asalama Calaykum. Ugu horayn walaalaha Halgan.net waxaan lee yahay ilahay khayr badan ha idin siiyo. 1.Inaad Xaqa dadka tustaan aad iyo aad ayaad ugu saxan tihiin. 2. Idinkoon Culumada ku xadgudbayn inaad Tusaale fudud aad dadka tustaana aad ayaan uga helay. 3. In qofkastaa uu lee yahay qolalkala gadisan Sax iyo Qaladaba kiiraba haloo qatee. Walaalaha Quluwigu latagay ee Culumada Caydooda iyo Aflagadoodoona caadaystay waxaan lee nahay. Culumada Caydoodi mahan mid horumar lagu gaaree iskaga hara. Waxna Barta oo Fudaydka iyo Jahliga iskugu kiin darsamay ka baxa Ifka iyo Nuurka allahna raadsada.

  7. asc. runtii maqaalka sidan u arko ilaa xad wuu mizamanyahay. wana mahadsanyahay katibka. lakiin waxan uu arkaa komentyada qaarbaa khaldan oo aanan habooneen. waxan ku talinayaa in arintu aysan aheen mid shaqsi ama 2qof lais barbadigayo. siadaa rarteed ban jelan lahaa in laga hadlo sbadalka ijtihadka tasoo ay kento isbadalka waqtiga. ama waxey dhahaan fiqahada(laa yunkaru taqayurul ijtihadi bi raqayuri al azman) waxey katirsan tahay qawacida fiqhiga marka halaga hadlo ijtahadka isbadalo ee yan laga hadlin sh: xassaan ama sh:shible ama sh:umal. sababt ma aha ashkhaas ee waa mas alatu taqayurul ijtihad.
    dhanka kale waxaan aad ugu farxay inaan arko aara ijtihadi ah oo lagu kalagadisanyahay hadana ninwalbo sida uu xaqa u arko ku dhago maxaa yelay ninka mujtahidka ah ma ubanaano inuu taqlidiyo mujtahid kale sida saxda ah waa inuu baro uuna raco halka uu u arko xaqa xaa hadii lakhlafo ama uu qawlhore u leeyahay daba maro. runtii waa bisee cilmi ah mirihiisuns yahay in la ogado lana garo qoolka rajixa ah. 2sheekh way dadaleen wayna ijtihadeen kii xaqa asiibe wuxuu leeyahay 2ajir kii kalana 1ajir midana ma ceebeysno bal waa amanayhay inuu raco mawdhina dhanihi. arintaa qurankana wuu tilamamay qisada nadi sulayman iyo aabihi nabi daud markii laxukumay arintii ariga. nabigeenana xadiis buu ku sheegay arinta ajirka mujtahidka. mashaikhdana waa ma juurin insha alah cidii ceebeysana ayadaa falagadadooda abalkeed heli aduun iyo aakharana waa ku dakano.
    runtii wuxuu cilmiga noqday wax qariib ah ee halasoo faago baxthina lagaga diyariyo isbadalka ijtihadja iyo isku qabashada masaa isha diineed iyo aqwaasha laga noqonao ama taraa jucadka siday isku qabteen fikrada cumar iyo abu bakar asra badar. yaa xilka loo dhibaya qoyski nabiga kacodsaday in uu ugu dhawaqo ugas ee ukuso dagtay surada xujurad. dakii murtadiinta. aqwasha saxabada ee dhaxalka. talada madaxtinimo. nabiga ma arkay rabigii. xoolaha sida loogu qaybinayo shacabka. qasamada iyi diyaadka. furitaanka saxadda dhalqo…………
    etc runtii waa wax loo bahanyahay culudada dalka ama dibada joogo waxan ugu baaqi nin walbi ha muu jiyo ijtihadkii waxaa lagaray waqtigii aan lagu qasbi karin waxad xaqa adan u arag in aad ka amusto. camadana waxan leeyahay waxad racdan kaa ku qanacsantihiin diintisa iy casaladiisa. ardadana waxan leeyahay hadaa garteen darajo aad wax kukala sari karto hade adilada raac hadiikale sheekhada raac washugran

  8. asc walaal hadalkaygii waxaan raacin lahaa qisadan yar.
    waxaan maalin imid meel waxaan arkay nin oday ah oo aan garanayo oo meeshii ka dhex leh sheekh albaani muxuu ahaa waxaad nagu waasheen albaani marka walaal dadku waa dadka noocaas ah ee walaal talo ayey iga tahay,waxaadna ogaataa in wax walba aad qortid in malagna uu ku duljoogo
    qabrina uu kaa danbeeyo.

    wasalaamu caykum

  9. asalaamu calaykum
    walaalayaal waad salaaman tihiin, waxaana naftayda iyo idinkaba idiin dardaarmayaa cabsida ilaahay.
    waxaan qoraalkan aan ka lee yahay ,waxaad ogaataan qofwalba waxaad kasbato ayaa ilaah la hor tagaysaa waxaan walalkayga qoray lee yahay,walaal dad wax ma garata ah ayaa netka u badan waxayna doonaan ayey isaga soo qoraan ee adiga ha hor dhigin waxaysan kala saari karayn ilayn waa caamo adigoo sheekh garab siinaayo kan kalene fogaynaya qofkii wax fahmanaya hadaladaa cinwaanka ayaa laga fahmayaa ee ilaah ka baqo oo culumadeena meelahan oo kale ha keenin.

    wasalaamu calaykum

  10. In laga noqdo wax dhib ah maleh lakin waan ka noqday ma uusan dhihin ee wuxuu sheegay in cidii ku dhacda ay gaalawday oo wuxuu gaaleeyay ictisaam sida aan ku daawana cajalado uu mar danbe duubay, wuxuuna aamin sanaa sidan goor uu ka noqday lama oga dadkiina wuu ku takfiiriyay dee wadaadka wuxuu u dhexeeya labo mid uun baynal بين الزندقة والإلحاد ee umada mulimiinta yuusan lugayn wuu fashilmaye, wuuna is buriyay.

  11. bismilah culamada waxay is ku hayaan dhoor mas’alo 1- mas’alatu walaa wal baraa
    2- mas’alatu iiman wal kufri 3- alcudru biljahli 4- almusharaka fil baarlaman wal wazaara 5- mas ‘alatu jaasuus marka halaga faidayso hana lasoo bandhigo cida qaldan

  12. Asc Walal Horta Ma Xuma Hadalka Iyo Qabka Lo So Gudbiyay Balse Waxas Is Weydin Leh Zalo Wadad Ka Dhacday Xili Hore La Dhihi karo wu ka jahil noqday e manta u saxan yahay loso dalishado

  13. Asallaamu Calaykum

    Waxaan ka codsan walaalhayga halgan net waxaad tihiin walaalo ilaasha quluubteena iyo maxkaxdeena waaan ku nasanaa webkiina waana ku qaboowsanaa eefadlan dhibka jira ayaa idin soo karay oo waan ogahya waxaan idnka codsan mar labaad dulqaadkiini muujiya iyo tanaasulkii awalba aad wadeen cuimada kan qaldama haloo duceeyo si qarsoon fadlan waxbadan oo khayr ah ayaana looga bartay kii saxana haloo bogaadiyo hana la illaasho fadkal culmadeena way naga cilmi iyo caqli badan yihiin ee yaynaa ku xadgudbin culimada waxaan ka codsan makaxdii ayaa na daashay waxaa nadilay walbahaar waxaa nagu dhacay cuduro aan ka qaadna isla hadl iyo murgo aan ka qaadnay khilaafkiina meel aan u cararno ma hayno fadlan noo naxa oo dhexdiina ka xaajooda oo anaga hana maqshiinina, waxaan allaah weydiisan in uu ina sugo ma dhahaayo waqdi xun ayaa lagu jiraa oo waa gaf waayo waqtigu haduu xun yahay Allaah kuma dhaarteen ee inaga ayaa xune aan toobad la nimaano, kadibna Ale uhogaansano isha allaah dhibku waa dhamaa.

  14. walaal c/casiis aadbaad u mahadsan tahay sifiina waad u qortay waxaana ku leeyahay jzaakalaahu khayr waxaanse jeclaan lahaa inaad emailkaaga meesha ku qortid sida jirta muxaadarooyi9kaa inta badan waan fadhiyey qofka maqaalka qoray emailkiisa inuu qoraa waa fiican tahay

  15. Asc salaan kadib waxaan u hambalyeynayaa ninka diyaariyay maqaalkan iyo dhamaan bahda halgannet waxana idin leeyahay wada dadaalka aad wadaan wtq.

  16. Akhwaani dadka kutalinaya ha la aruriyo tanaqudadka sh xassan ilahay ha ka Baqan, cilim Aan tanaaqud laheen ma jiro marka nimayahow ha noqonina raga cayda culimaada cadeeystay Iyo rac raca gafafka culimaada. Sh xassana in uu culimaada somaliyeed ka mid yahay labo rux Isku ma heeysato.

  17. sheekh xasaan xuseen, warkaas wuu ka laabtay kana tawbad kenay, suufinimadii saw muusan ka tawbad keenin iyagoo dhana maysana haan jirin suufiyo subag badan, siday uga laabteen suufinimadii ayuu xasaana uga laabtay mawqifkaas hahahaha waana ka maqlay arinkaas mar runtii iyo caqiidooyinkaloo badan waliba isagoo dhahaya ilaahay ayaan uga tawbad kenaynaa sheekh shibile iyo isagu waa culimee yaan laisku qudaynine hala daayo dhaamntood dhanaha ka idinka cabaane see weeye shacabka midoowba qayb qaado macasalaama

  18. Salaamu Calaykum

    Aad baan ugu mahad celinayaa walaalka soo qorya Maqaalka waa arin loo baahnaa waxana ku raacsaanahay walaalka iga horeeyey in la la uruuriyo tanaaqudka Xasaan kitaabka lagu soo bandhigo ,

  19. asc maasha allah waan ku faraxsanahay inaan aqriyo maqaalkan waayo in badan waxaan soo aqriyay maqaalo i murugo galiyay oo lagu baneysanayo sharafta culimo waaweyn oo somaliyeed lkn maqaalkan inaba ha yaraatee sheekh wax loogama sheegin kuwo ku mashquulsan culimada caydooda websites u furtay waxaan dhihi lahaa ilaah oga baqa diintanana haku waayina ma aqaan cid aad u shaqeysaan lkn waxaa cad inaydaan u shaqeynin diin islam

  20. Salaan kadib
    waxaan la yaabay wadaadka sida uu u hadlay iyo edebta websiteka.

  21. asc wrx wrb. maqaalkaan saaid ayuu u fiican yahay. anigana ahaan waxaan qabaa websaadyada qaarkood. inay culumada ayakaba isku diraya.culumada qaar ku tilmaamaya waxaan afkeeyga qaban ku tilmaamaya. heer diinta laga saaro. waxaa modaa diinta inay duminayaan. lakiin ayakaa dumaayo. insha allah. allah hasoo hanuuniyo ayaka iyo anagaba. labadda sheakh sax iyo qalad waa lahaan karaan. sheakh xassan yaanan. dhinac lagu riixin oo dadkaas suhafada ah xagooda loo leexin. waa macquul in hadaladiisa inay isticmaalan. lakiin culumada somaaliyeed ayuu ka midyahay. sidaat sheegtay. mida kale. qaabkaa wax usoo bandhigtay waa qaab xigmadeeysan. hadaay talo ka furantahay labada sheakh isku si u soo bandhig fATAAWADOODA SI SIMAN. SIDAY UGU EKAAN, KUWA MAQAALKA KADIGAYO AMA INAAD CID WERAAR KU TIHIIN. UJEEDKAAGANA WAA NABADGALAYAA. CAFIS HADAAN HADAL LOO BAAHNEEN QORAY AMA HADAA U ARAGTIIN INAY FIICNEEN QORAALKEEYGA. HA GUDBININA.

  22. Salaamu Calaykum

    aad baan ugu mahad celinayaa walaalka qoray maqaalka runtii aad buu u miisaaaman yahay mana laha ijaafo iyo ceebeyn ku socota Sheekh Xasaan waxaan aad ugu mahad celinayaa bahda Halgan.net oo runtii dhabarka ka jabisay kuwa caadeystay caayda culumada ,Xasaan isagaa laga joogi waayey waxaa ku talin lahaa in buug lagu uruuriyo hadaladiisa khilaafsan manhajka salafka iyo hadaladiisa iska horimaanaya si uu cagaha u dhigo
    oo uu ka joogo is cajabinta

    Halgan.net waad mahadsan tihiin waxaanse kuqoslay marka uu xasaan leeyahay nimanka muslinka ah ee noogu jira baalamaanka Kenya talow kuwa asal ahaan muslinka ah ee ku jira baarlamaanka Somaliya muxuu ku gaaleysiiyey cajiib xitaa culumadii buu gaaleysiinayaa oo ha dilo leeyahay ilaahow soo hanuunin inta qaldan.

  23. slm/clk waad mahadsantihiin waxaanse idiinkudarayaa
    oo intaa dheer websaadyo kale oo gaalo ah oo rag
    somaali ah ay jiraan waa lala socdaa laakiin
    way’iska baaba ayaan insha allah ee ninkii diin yaqaan
    ee allana rumaysan waa ayjogaan culumadeedii.
    allana ha xifdiyo idinkana kheerka wada wabillaahi towfeeq

  24. A.w.wabarakathu, ajir badan Alle ha ka siyo qoraalkaga xaqiiqdii waa qoraal ku soo begmay xili ku haboon lakiin su’aasha waa yaa ku tusale qadanayaa? Mida 2aad waxa aan oran lahaa culimada laftigoda ha iska dhafaan isku mashquulka oo dadweynaha ku xiran ha u shegaan wax anfacaya aduunkoda iyo akhiradooda, aniga shaqsiyan waxa aan is le yahay culimada ayada ayaa ka masuul ah waxa socda, tusaale ahaan shalay waxa aan ku tukadaya masjidka al – hidaya ee nairobi, waxaa qudbadii jimcada aqriyay sheekh shibli hadaladiisi waxaa ka mid ahaa todobadyada soo socda waxaa aan ka hadli doona hadii Alle idmo shaqsi leh hadalo is burinaya waliba hadaladiisa qatar ay ku tahay diintisa, marka laga yabee isna shaqsigaas sida oo kale in uu yirahdo todobadyada soo socda.

  25. Baaq ku socda guud ahaan dhalinta
    Fadlan Maanta waxay maraysaa maalintii la aamusi jiray, oo fidnada dhexboodkeeda layska ilaalin jiray, fadlan indha la’aan waxba ha ku taageerina.. labada sheekhba u duceeya kana aamusa khilaafka

  26. asc
    Khayr tira badan Allaha ku siiyo CabdiCsiisow maqaalkaan baahi wayn baa loo qabay waayo sh xassan qowlkiisaan dambe ayaa haddda lala saglamayay laguna ijaafaynayay sh shibile labada shiikhba allaha dhowree.Qolooyinka afxumada, xanta iyo ku been abuurka culumada u haysta inay diin ku difaacaan ma laga yaaba inay waxun ka faa’iidaan qowlaka qadiimka ah ee sh Xassaan hadday arkaan? fahmaana in masaa’isha ijtihaadiga ah caalimka mawaaqiftiisu is badali karto aagoo ku dhisaya ijtihaadkiisa almasaalix wal mafaasid.

  27. Akhi ilaahay kacabso hano qonin ciyaalka midnimo qoro Oo kale ayaga ayaa laguu yaqaana in eey culimada caayaan, adigaa sidodkale ha noqinin, culimada ixtiram kuligood hana Yu Kala eexan kuligood kheeyrkooda la faaideeyso gafkoodana ha rac raacin sh xassan Ito sh shible waa labor culimo labada na wasn’t jecelnayhay. Ee fadlaan joojiya waxaan hadaad tihin reer halgan san waad kaficnedene.

Leave a comment

*