Ciidamada Al-Shabaab oo gudaha u galay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud

June 10, 2012 - Written by

Ceelbuur:-Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud  ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamadii Itoobiyanka iyo kuwa ciidamadakooxda la baxday Ahlu suna ee Suufiyada ah ee ku sugnaa Degmada Ceelbuur ay isaga baxeen maanta duhurkii waxayna u jiheysteen Degmada Guriceel.

Madax ka tirsan Ururka Ahlusuna ee degmada Ceelbuur ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in ciidamadooda iyo kuwa Itoobiya ay saaka isaga baxeen Degmada Ceelbuur oo ay heysteen mudo ku dhow 3bilood.

Dadgoobjoogayaal ah ayaa sidoo kale xaqiijiyey in magaalada Ceelbuur ay ka baxeen ciidamadii huwan ee heystay waxaana magaalada soo galay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyaga oo saldhigyo ka sameystay gudaha magaalada.

Khilaaf xooggan ayaa la sheegayaa in ay soo kala dhexgaleen ciidamada Ahlu Suna Sheegta kuwaas oo ka kooban qabaa,il kala duwan waxayna isku heystaan hogaanka gobalada dhexe .

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay ka bixitaankii saaka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa ahlusuna  degmada Ceelbuur kuwaas oo ku sugnaa oo muddo saddex bilood ah Degmada Ceelbuur.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ay jabeen ciidamada Huwanta ee heystay Degmada Ceelbuur wuxuuna sheegay in dagaalka ay sii wadi doonaan  isaga oo hanbalyo u diray ciidamada Al-shabaab ee gobalka Galgaduud.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online