Ciidamada AMISOM oo xalay qarax lagula beegsaday agagaarka SOS,ee magaalada Muqdisho.

June 30, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ciidamada AMISOM ayaa waxaa xalay qarax lagula beegsaday agagaarka SOS, ee magaalada Muqdisho. Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala beegsaday ayaa ku socday Kolonyo, waxayna ku sii jeedeen saldhig ay ku leeyihiin xerada Maslax ee duleedka waqooyi kaga taala magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaasoo meelaha fog-fog laga hago, iyadoona meelo badan oo ka mid ah magaalada laga maqlayey qaraxa.

Mid ka mid ah gaadiidkii ciidanka AMISOM, ayuu haleelay qaraxa, iyadoona gaariga uu gubtay, balse lama garanayo inta uu le’eg yahay khasaaraha ciidanka AMISOM ka soo gaaray.

Dagaalyahannada Al-Shabaab, ayaa qaraxyada si weyn u adeegsada, waxaana uu qaraxani ku soo beegmayaa xili dhawaan degmada Balcad ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online