Ciidamada DFKM oo howlgallo ka sameeyay Degmada Afgooye

June 9, 2012 - Written by

Afgooye:-Ciidamada DFKM ayaa saaka howlgalo balaaran ka sameeyey xaafadaha Degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose waxaana ay ku soo qabteen dad aad u badan kuwaas oo ay sheegeen saraakiil ka tirsan DFKM in looga shakiyey in ay gacan saar la leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada DFKM ayaa bilaabay howlgalada saaka ka dib markii Bam gacmeed lagu weeraray xalay ciidamo ka tirsan Booliska DFKM oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn Saldhiga Degmada Afgooye.

Guddoomiyaha degmada Afgooye ee DFKM C/laahi Cabdi Axmed ayaa waxa uu sheegay in howlgallada ay saaka bilaabeen ciidanka DFKM ay yihiin kuwo lagu sugayo amaanka Degmada Afgooye wuxuuna intaas raaciyey in ay sii socon doonaan .

Dadka ku dhaqan Degmada Afgooye ayaa ka cabanaya amaan daro iyo dhac baahsan ay geysanayaan ciidamada DFKM iyo maleeshiyaad hubeysan oo aan cidna ka amar qaadan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online