Ciidamada France oo maanta Afgaanistaan lagu laayey

June 9, 2012 - Written by

Kabul:-Ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidanka Militeriga dalka France, ayaa waxaa maanta lagu dilay dalka Agaanistaan.Isbeheysiga NATO ee hoggaaminaya ciidanka huwanta ah ee dalka Afgaanistaan ku sugan, ayaa qirtay in maanta oo Sabti ah bariga dalka Afgaanistaan lagu dilay 4 ka tiran ciidanka France.

Weerarka lagu dilay askarta France oo ay fuliyeen kooxo hubeysan, ayaa waxa uu ka dhacay bariga dalka Afgaanistaan, gaar ahaan deegaan ay ilaaliyaan ciidamada France.

Afhayeen u hadlay xarakada Daalibaan, laguna magacaabo Dabiixu laahi Mujaahid, ayaa shaaca ka qaaday in iyagu ay mas’uul ka ahaayeen weerarka lagu dilay askarta France ee bariga Afgaanistaan ka dhacay.

Dalka Afgaanistaan, ayaa muddo ka badan 10 sano waxaa ku sugan ciidamo NATO ka socda, kuwaasoo uu hoggaaminayo Mareykanku, waxaana ay dagaal joogta ah kula jiraan dagaalyahannada Daalibaan iyo Al-Qaacida ee bah-wadaagta ku ah dagaalka ka dhanka ah ciidamada huwanta ah ee halkaas ku sugan.

Halgan.net+somalireal

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online