Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Deegaanka Wabxo iyo Baladxaawo

June 12, 2012 - Written by

Guriceel:-Wararka saaka naga soo gaaraya Deegaanka Wabxo ayaa sheegaya in saaka aroortii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu suna la baxay ay ka baxeen Deegaanka wabxo ee gobalka Galgaduud waxaana si nabad ah u soo galay wabxo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiyaha iyo kuwa Ahlu Suna ee saaka ka baxay Deegaanka wabxo ayaa gaaray degmada Guriceel halkaas oo ay ku leeyihiin saldhig weyn ciidamada Itoobiya ilaa hada lama oga qorshaha ciidamada Itoobiya .

Ciidamada Al-Shabaab ayaa waxay horay ula wareegeen degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, ka dib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Suna.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada B/xaawo ee xarunta gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugnaa ay saaka ka baxeen iyaga oo dib ugu noqday deegaanka Doolow ;xaalada magaalada Baladxaawo ayaa haatan Degan wax isbadel ahana kuma sameyn ka bixitaanka ciidamada Itoobiya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online