Ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo ka soo talaabay Degmada Luuq

June 9, 2012 - Written by

Gedo:-Ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo tiro badan ayaa ka soo talaabay degmada Luuq ee gobolka Gedo waxaana ay ka sii gudbeen Degmada Luuq oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya.

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Luuq ayaa saaka dareemay ciidamada Itoobiya ee saaka soo buuxdhaafiyey Degmada ,Saraakiisha ku sugan degmada Luuq ee DFKM ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay duulaan ku yihiin Baardheere iyo Buur-dhuubo oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Luuq ayaa saxaafada u xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan Itoobiya oo wata  gawaarida Tiknikada ay dhaafeen Degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Ciidamada Al-Shabaab ee gobalka Gedo ayaa weeraro joogta ah ku qaada ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya ee ku kala sugan Degmada Garbahaarey iyoYurkud oo ah wado muhiim ah oo isku xirta Bay iyo Gedo

Ciidamada Itoobiya ayaa soo galay qeybo badan oo ka mid ah gobalada Hiiraan ,Bay ,Bakool ,Gedo iyo gobalada Dhexe iyaga oo sheegay in ay taageerayaan ciidamada DFKM .

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Males Zanawi  ayaa sheegay bishii hore inay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab isaga oo si cad u sheegay in ay qabsan doonaan magaalada Kismaayo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online