Ciidamo ka wada tirsan DFKM oo isku laayey xalay Afgooye

June 5, 2012 - Written by

Afgooye:-Ciidamo ka wada tirsan DFKM ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa xalay waxaa dhex maray dagaal culus waxaana ugu yaraan ku dhintay afar askari oo ka wada tirsan ciidanka Booliska iyo kuwa Malateriga waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 askari oo dhaawacooda loo qaaday magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhexqarxay ciidanka ka wada tirsan DFKM xalay ka dib markii ay bilaabeen qaar ka tirsan ciidanka Booliska DFKM in ay qaadaan lacag leejo ah oo ay ku sheegeen Canshuur taas oo ay ka caroodeen ciidanka melatariga oo diiday in la qaado wax lacag ah inta amar uu ka soo baxayo Gudoomiyaha gobolka shabeellada hoose.

Guddoomiyaha degmada Afgooye ee DFKM Cabdullaahi Cabdi Axmed oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaalka xalay dhexmaray labo ciidan oo ka wada tirsan DFKM wuxuuna eedeyn kulul u soo jeediyey guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose oo amray ciidamada weeraray ciidanka isbaarada dhigtay.

Ma jirto ilaa haatan wax hadal ah oo ka soo baxay madaxada iyo saraakiisha sare ee DFKM ee ku aadan dagaalka xalay saqdii dhexe dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DFKM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online