Ciidanka Booliska Gaalkacyo oo qabtay nin qarax miino ka fuliyey Xaafadda Garsoor

June 4, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidanka Booliska Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen nin dhaawac ah oo ay maalmahaan dhan ay ku raad joogeen ninkaan oo ahaa ninkii dhigayey miinada dhulka lagu aaso Xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo sidda ay shaaciyeen taliska guud ee Ciidanka Booliska magaalada Gaalkacyo.

Ninkaan ay  qabteen ciidanka  Booliska magaalada Gaalkacyo ayaa isaga iyo nin kale oo dhalinyaro ah oo dhigayey miino waxaa ay dagaalameen ciidanka Booliska Gaalkacyo iyadoo mid ka ka mid ah dhalinyarada uu dhintay xili midka  la qabtayna uu soo gaaray dhaawac  ka dibna uu ka baxsaday ciidanka.

Ciidanka Booliska Gaalkacyo oo isku dayey in ay saaraan miinada la aasay ayaa si lama filaan ah ugu qaraxday miinadu waxaan ku dhintay ilaa 7 qof oo iskugu jira askar iyo dad rayid ah oo ku soo xoomay goobta ay taalay miinadu. Dadka ku dhintay qaraxa ayaa waxaa ka mid ahaa ilaa 2 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Mudug G/sare  Jaamac Maxamed Axmed oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ninkaan ay ka soo qabteen dhinac Galbeedka ee  Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo xili ay ciidanku ay ku soo wargeliyeen dadka degaanka walow ninkaan markii hore uu u baxsaday dhinac Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo .

Ninka  la qabtay ayaa Taliyaha ciidanku Booliska Gobolka Mudug waxaa uu sheegay in uu qabo dhaawac soo gaaray maalmo ka hor xili uu la dagaalamay  ciidanka iyo weliba dhaawac kale oo ay ciidanku Booliska gaarsiiyeen maanta xili ay ku jireen howl galka lagu qabanayey walow uusan ahayn dhaawacu mid culus.

Taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Mudug Gaashaanlle sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in ciidanka Booliska Gaalkacyo ay ka soo helleen guri  uu deganaa ninka la qabtay waxyaabihii lagu samayn jiray walxaha qarxa ama miinooyinka.

Maalmo ka hor ayaa qarax miino oo ka dhacay Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug G/Sare Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad), Taliyaha Saldhiga dhexe ee degmada Gaalkacyo Maxamed Cali Cawaale, C/salaan Sayraar oo ah Sarkaal ka tirsan ciidanka dowllada Hoose. iyo Duqada magaalada Gaalkacyo .

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa aad u soo dhaweeyey qabashada dhagarqabaha dhigayey Bamka waxaana dadka qaar ay sheegayaan in ninka la qabtay ay aad u garanayaan uuna ka shaqeysan jiray magaalada Gaalkacyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online