Ciidanka Booliska Ugandha oo sheegay in qabteen rag xiriir la leh Ururka Al-Shabaab

June 4, 2012 - Written by

Kampala:-Afhayeenka ciidanka Booliska dalka Ugandha Judith Nabakooba ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag lala xiriirinayo in ay ka mid yihiin Ururka Al-Shabaab waxaana uu sheegay in ay qabteen habeenkii axada  ka dib howlgalo ay sameeyeen ciidamada nabadsugida ee magaalada Kampala.

Judith Nabakooba oo ah afhayeenka ciidamada Booliska ayaa waxaa uu saxaafada u akhriyey  labada nin ee ay Booliska qabteen wuxuuna ku sheegay magacyadooda  Emrah Erdogan oo leh magacyo kale oo ah Alias Imraan Al-Kurdi iyo Axmed Khaalid oo isaguna magaciisa kale uu ku sheegay Martin Muller.

Afhayeenka Booliska ee dalka Ugandha  Judith Nabakooba ayaa waxaa uu sheegay in labada nin ay ka soo jeedaan ama heystaan  aqoonsiga  dalka Jarmalka balse  Emrah Erdogan uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Turkiga .

Ciidanka Nabadsugida ee dalka Ugandha ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan nin sadexaad oo ay magaciisa ku soo koobeen Xusen kaas oo la socday labada nin ee la qabtay ;Booliska dalka Kenya ayaa isbuucii hore Shaaciyey in ay uu dalkooda uu soo galay  Emrah Erdogan oo ay ku daba joogaa iyaga oo sheegay in uu ku soo tababartay gudaha dalka Soomaaliya.

Ilaa haatan ma jiraan ilo ka madax banaan Booliska dalka Ugandha oo xaqiijiyey ama beeniyey eedeeynta loo soo jeedshay ragan laga qabtay gudaha dalka Ugandha.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online