Ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe

June 26, 2012 - Written by

Balcad:Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa saaka la wareegay degmada Balcad iyo deegaanka ku dhow waxaana Degmada Balcad iska baxay ciidamada AlShabaab ee halkaas gacanta ku hayey .

Taliyaha howlgalinta Ciidmada DFKM Gen. Cali Caraaye Cosoble “Gacma dullo”ayaa isagoo ku sugan degmada Balcad waxaa uu warbaahinta u sheegay in ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ay si buuxda ula wareegeen Degmada Balcad iyo deegaano ku dhow .

Degmada Balcad ayaa ah degmo istaraatiiji ah waxaana cidii gacanta ku dhigta ay u sahleysaa in ay u gudubto si sahlan gobalka Sh /Dhexe.

Ilaa haatan ma jiraa cid ka hadashay qabsashada ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM Degmada Balcad oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. ilaa hada wax website ah oo qoraayo malahan ee malahubaa akhi

  2. waxaa qabsaday DFKG IYO AMISOM , waxaana laga qabsaday ALSHABAAB

  3. yaa qabsaday yaase lagaqabsaday?

  4. waxaa mahadsan walaalaha halgan oo dadkan wadaada aflagaadaynaya kadhiidhiya

Leave a comment

*