Ciidanka ururka Al-shabaab oo jidka u galay saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM

June 2, 2012 - Written by

Waxaa maanta weerar gaadmo ah lagu qaaday Abaanduulaha ciidanka DFKM Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan iyo weliba  Taliyaha ciidanka Sirdoonka ee DFKM Jen. Khaliif Axmed xili ay marayeen wadadda isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye. Ciidanka Al-shabaab oo ciidankooda u qaybiyey kooxo  yar yar ayaa  waxaa ay isku qaybiyeen inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye iyagoo ilaa dhowr weerar ku qaaday ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM.

Weerarka maanta ayaa ka dhacay degaanka Siinka –Dheer  iyo Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho xili ay goobta ay marayeen gaadiid ay la socdeen Saraakiisha ugu saraysa ee ciidanka DFKM oo hogaaminayey dagaalkii ka dhacaya degmada Afgooye oo ay dhawaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM qabsadeen.

Abaanduulaha ciidanka DFKM Jen. C/kariin Yuusuf   Dhagabadan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in gaari ka mid ah kuwa ilaalada u ah uu rogmaday aysana jirin wax dagaal ah oo lagu qaaday mar uu la hadlay caawa BBC-da.

Dhinac kale Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa weerar kale ku qaaday gaadiid marayey degaanka Lafoole uuna la socday taliyaha ciidanka sir doonka DFKM iyadoo aan ilaa hadda la aqoon khasaaraha ka dhashay weerarkaas wallow wararka soo baxay ay sheegayaan in gaadiid ay lahaayeen ciidanka DFKM ay wax gaareen.

Afhayeenka howlgalada Ururka Al-Shabaab Abu Muscab ayaa sheegay in weerarka maanta ay guul ka gaareen ayna dileen ciidamo ka tirsan DFKM ayna ka gubeen gaadiid dagaal isagoo ku goodiyey in dagaalku uu sii socon doono.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online