Dagaal iyo iska horimaad hubeysan oo saaka ka dhacay deegaanka Tuka-Raq

June 16, 2012 - Written by

Garoowe:-Dagaal iyo weliba iska horimaad kooban oo socday mudo kooban ayaa waxaa uu ka dhacay maanta deegaanka Tuka-Raq , dagaalka ayaa waxaa markii hore uu dhex maray  ciidamo daacad u ah Ahmed Karaashe oo ah Madaxweynaha maamul ka Khaatumo iyo ciidamo uu horkacyo Mahad Canbaashe oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka Somaliland oo saaka deegaankaas weerar ku soo qaaday.

Dagaal iyo iska horimaad kooban ka dib ayaa waxaa ka baxay degmada Tuka Raq ciidamadii uu hogaaminayey Ahmed Karaashe oo ah Madaxweynaha Khaatumo State waxaana qabsaday ciidamadii S/land oo uu hogaaminayo Mahad Canbaashe intaas ka dib ayaa waxaa iska horimaad uu dhexmaray ciidamada S/land iyo kuwa Puntland

Ku-xigeenka duqa degmada Tukaraq ayaa saxaafada la hadal goordhow waxaana uu xaqiijiyey weerarka ay soo qaadeen ciidamada S/land wuxuuna sheegay in ciidamada daraawiishta ee Puntland ay haatan ku sugan yihiin Tuka raq ayna la wareegeenciidamadii S/land ay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka soo duuleen

Ma jiraan cid u hadashay S/land oo faahfaahin ka bixisay dagaalka ka dhacay Tukaraq.Ilaa iyo haatan lama garan karo khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac waxaana go,an isgaarsiinta Degmada Tukaraq.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online