Dowladda Puntland oo Heshiis Iskaashi la Saxiixday Dowladda Deegaanka Somalida ee Dalka Ethiopia.[War-saxaafadeed]

June 21, 2012 - Written by

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somalia Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia, iyadoo uu kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Dowladda Deegaanka Somalida (DDS) ee dalka Ethiopia.Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) oo ay Madaxweyne Farole ka soo wada duuleen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia maalintii Jimce 15 June 2012, iyadoo Madaxdaasi iyo Wufuudii la socotay si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Jigjiga, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta DDS, Bulshada rayidka ah iyo saxaafadda.

Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Farole ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Ahmed Jamac (Ilkajir) iyo Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdi Farax Siciid (Juxa) ayaa waxaa loo bandhigay xaflad-sharaf oo si heer sare ah loo sooagaasime.

no images were found

Maalmihii ay Wafdiga Dowladda Puntland ku sugnaayeen Magaalada Jigjiga ayaa waxaa u qabsoomay howlo muhiim ah, iyadoo Mas’uuliyiinta DDS ay soo bandhigeen warbixin (presentation) ku saabsan qaabka uu maamulkoodu u shaqeeyo, mashaariicda horumarineed sida biyaha, waddooyinka iyo korontada ee ka socda deegaanada ay maamusho DDS, iyo xiriirka wadashaqayn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Ethiopia iyo Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Puntland ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud oo dhismihiisa dhowaan la dhamaystiray, Jaamacadda Jigjiga oo ay dhigtaan kumanaan-kun arday Somali ah, Xarunta Agoomaha ee magaalada Jigjiga, iyo Dugsiga Caafimaadka (Health College), halkaasoo Madaxweynaha Puntland uu kula kulmay arday Reer Puntland ah oo deeqo waxbarasho ah ka faa’idaysanaya.

Wafdigii Dowladda Puntland oo uu wehliyo Madaxweyne-ku-xigeenka DDS Cabdifatax Maxamud Xasan ayaa kulan balaaran la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee DDS iyadoo laga wada hadlay arrimo la xiriira dhaqanka iyo isu dhowaanshaha iyo isdhexgalka dadka walaalaha ah.

Maalintii Isniinta 18 June 2012 ayaa waxaa Heshiis Guud si wadajir ah u saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr. Farole iyo Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia Mudane Cabdi Iley, iyadoo heshiiskaas uu sii xoojinayo heshiiskii Puntland iyo DDS ay wada saxiixeen 27 June 2010, waxaana Heshiiska Guud lagu xusay arrimo muhiim ah ayna ka mid yihiin Amniga iyo Ganacsiga sharci-darrada ah (Security and IlegalTrade); Dhiirigalinta Ganacsiga Sharciga ah (Lawful Commerce); iyo Iskaashiga Guud ee arrimaha Horumarinta sida biyaha, waxbarashada, iskaashiga xilliyada xaaladda degdega ah sida masiibooyinka dabiiciga ah (General Cooperation on Development Affairs).

 

Safarkii Wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Dr Cabdiraxman Farole ayaa guul ku soo dhamaaday iyadoo la filayo in si weyn loo dardargalin doono xiriirka wadashaqay need ee arrimaha amniga iyo ganacsiga ee ka dhaxeeyaa Puntland iyo DDS. Wafdiga Puntland ayaa maalintii Talaado 19 June 2012 gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkasoo uu ka furmay Shirkii Madaxda Somalida ee laxiriiray Geedisocodka (Roadmap-ka) sida arrimaha ansixinta Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia iyo dhamaystirka xilliga ku meel gaarka, si dalka Somalia u helo Dowlad rasmi ah.

— END —

Communications Office
The Puntland Presidency
Office: +252 90 794312 / 790999 / 794040 / 799128

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online