Faahfaahin Dagaal culus oo dhacay duleedka Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

June 25, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaray Degmada Afgooye  ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in maanta uu ka dhacay dagaal culus duleedka Degmada kaas oo u dhexeeya ciidamada DFKM oo kaabayaan kuwa AMISOM iyo ciidamada Al-Shabaab .Dagaalka ayaa waxaa guulo ka sheegtay DFKM .

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ee DFK M  C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dagaalkii ay la galeen maanta Ururka Al-Shabaab ay guul ka gaareen waxaana uu ku faanay in ay qabsadeen deegaano hor leh .
Ma jiraan warar ka madax banaan sheegashada Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku aadan in deegaano ay ka qabsadeen Ururka al-Shabaab

Dad goobjoogayaal ah oo ayaa xaqiijiyey dagaalka maanta in uu ahaa mid culus oo la isku adeegsanayey hubka noocyadiisa kala duwan waxaana uu dagaalka saameyn ku yeeshay Degmada Afgooye iyada oo dhaawac ka mid ah askarta DFKM la keenay Degmada Afgooye.

Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay Dagaalka ka dhacay maanta Duleedka Degmada Afgooye.Tan iyo markii ay bilaabeen Ururka Al-Shabaab dagaalka dhuumaaleysig ah ayaa waxaa soo gaaray Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM Khasaaro kala duwan iyada oo ay ugu danbeysay dilkii  Taliyihii Ceelasha Biyaha Afrax Cali Afrax.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online