Hay’adda Somali Advice and Information Services (SOMINFOS) oo Seminaar ku qabatay Magaalada Leicester

June 25, 2012 - Written by

Leicester:-Seminaar ay kasoo qeyb galeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Leicester oo lagu baranayey sida uu qofku isu horumarin karo { How to develop your self } oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Sominfos ayaa lagu qabtay xarunta SOCOPA ee magaalada Leicester. Seminaarkaas oo soconayey hal maalin oo qura ayaa waxa aad uga faa’ideystay qaar ka mid ah jaaliyadda.

Seminaarkaas waxaa duruus kala duwan ka bixiyey Cabdixakiim Jaamac Jooje oo ah Social Development Adviser, Maxamed Saalax oo ah macalin wax ka dhiga dugsiyada sare ee Leiceser iyo Cabdikeyf Bashiir oo ah gudoomiyaha hay’adda Socopa. Seminaarkaas ayaa waxaa looga hadlay tallaabooyinka loo baahan yahay qofku in uu qaado haddii uu doonayo in uu is hormariyo, sidoo kale arimaha caqabadaha ku noqon kara qofku in uu horumar sameeyo.

no images were found

Seminaarkaas oo ay aad u soo dhaweeyeen kasoo qeybgalayaasha ayaa runtii waxaa laga dheehan karey wajiyadooda sida ay ugu qanacsan yihiin seminaarada noocan oo kale ah. Waxey kaloo codsadeen kasoo qeybgalayaasha in kulamada noocan oo kale la joogteeyo, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo xagga horumarka horey loogu qaaday. Ugu danbeyntii kasoo qeybgalayaasha waxa ay hay’adda Somali Advice and Information service u qeybisay shahaadooyin kasoo qeybgalid ah. Shahaadooyinkaas waxaa gudoonsiiyey Mudane Cabdullaahi Kooshin oo isagu ah qabiir qurbahan wax baddan joogay ugana waramay kasoo qeybgalayaasha waayo aragnimadiisa ku aadan qurbahan iyo sida leysu horumarin karo.

Ugu danbeyntii waxaa halkaas loogu mahad celiyay dadkii soo qabanqaabiyey xafladan iyo kuwii kasoo qeybgalayba. Waxaa kaloo mahad gaar ah loo jeediyay SOCOPA oo runtii iyadu xarunteed fududeysay in lagu qabto seminaarkan ama workshop kan

Maamulka hay’adda Somali Advice
& Information Centre (SOMINFOS
)

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online