Imtixaankii oo u soo gabagaboobay iskuulada hoos yimaado Mu,asasada Al-qalam(Masawiro)

June 6, 2012 - Written by

Muqdisho:-Imtixaanka  sanad dugsiyeedka 20112012 ayaa usoo gaba gaboobay iskuulada hoosyimaado Mu,sasada waxbarashda iyo horumarinta ee Al-qlam , iskuuladaas oo kala,ah: Dugsi sare  ee Amiir-nuur -G/haarey,  Dugsi hoosedhexe ee Gogol-G/haarey, iyo Dugsi hoose dhexe ee Salaama-Tuulobarwaaqo. Munaasabada loogu tala galay xiritaanka iskuulada ayaa waxaa lagu kala qabtay    Amiirnuur secondary school, iyo Gogol primary school waxaa kasoo qaybgalay : mas,uuliyiinta  Mu,asasada Al-qalam, gudiyada iskuulada, maamulayaasha iskuulada, iyo ardada labada iskuul waxkabarato.

Waxaa munaasabada xiritaanka iskuulada ka hadlay Madaxa Mu,asasada Al-qalam  maxamed ibraahim xasan  waxa uu u hanbalyeeyey ardada, maamuleyaasha,  macalimiinta iyo  kormeerayaasha imtixaanka ee sida wanaagsan usoo gabagabeeyey imtixaanka, wuxuu kaloo talo iyo waano usoo jeediyey ardada  galayso fasaxa, waxaana hadaldiisii kamid,ahaa maruu lahadlayey arada iskuulka Amiirnuur: (ardadu waa inay ka faa,iidaysataa waqtigooda  mudada ay ku jiraan fasaxa si,aysan u hilmaamin daraasadii u socotay taasoo inta badan ardada  hilmaamaan xiliga fasaxa ayku jiraan).

Wuxuu kaloo ka hadlay ardadana uga digay  inaysan duufsan   da,yarta tuuran suuqyada magaalada ee aanwaxbo baran sida aadka,ahna uga badan ardada waxbarato,    kana digtoonaadaan akhlaaqda iyo anshaxa aan wanaagsanayn ee ay ku noolyihiin, waxaana hadaladiisii kamid,ahaa: (waxaad ogaataan wanaaga iyo  jiritaanka umada  wuxuu ku xiran yahay jiritaanka da,yarteeda.

Waa inaad ka digtoonaataan waxa dhaawacayo geedisocodka wxbarshadiina iyo waxyaabaha  wax u dhimayo akhlaaqda wanaagsan iyo sharafkiina,  fasaxa muhiimadiisuna waa in aad ka yar nasataan darasadii badnayd ee aad soo marteen si maskaxdu refresh  u hesho, inaad waalidiintiina ku mashquulsan khitmayntiina maalin iyo habayn u kaalmaysaan iyo inaad daraasadii lasoo dhaafay muraajacaysaan,).

no images were found

Waxaa kaloo ka hadlay munaasabada madaxa maamulka Amiirnuur secondary school  Maxamedwali Maxamuud Cigaal, ahna madaxa SEDO-G/HAAREY, Mr wali wuxuu sidoo kale waano usoo jeediyey ardada ugana digay dhibaatooyinka faraha badan ee caqabada ku,ah waxbarshada  gaar,ahaan wuxuu ku nuuxnuuxsaday mashaakilaadka da,yarta maanta haysato ee ay kamidtahay kubada.

Waxaana hadaladiisii kamid ahaa: (kubadu waxay noqotay mashaakilada haysato da,ayrta soomaaliyeed waxayna noqotay midlaga badbadiyey oo dhamaan qaadatay waqtigii da,yarta,    lana  dhaafiyey xadkii loogu talagalay  tusaale:  waqti way ciyaarayaan, waqtina ciyaartii ayay faaqidayaan oo laga sheekaynayaa sidii ay u dhacday, hadana waxaa la daawanayaa ciyaaro laga soo daayo taleefishinada ee inta badan yurubka socdo, isla iyadiibaa hadana laga sheekaynayaa, waxaad arkaysaa wiil dhalinyaro,ah oo intaa bas,ah u nool waa maruu hurdo iyo mar uu arinkaan kujiro.) wuxuu kaloo dhalinyarada uga digay dhibaatada uu leeyahay internetka iyo moobaylada.

Waxaa kale oo uu Maxamedwali ugu bishaareeyey ardada in ay Hay,ada  SEDO, ku guda jirto dhismaha Qol la dhigi doono library loogu talagalay inay ka faaiidaystaan arada waxkabarato iskuulka, waxaa kale oo ay hay,adu keenaysaa ilaa 10computer oo loogu talagalay inay arada waxku bartaan.

340 arday oo kawada tirsan sadexda iskuul  ayaa u fariistay imtixaanka sanad dugsiyeedka 2011-2012.

Dugsi hoosedhexe ee Gogol oo ah dugsigii oogu horeeyey ee mu,asasada Alqalam aasaasto ayaa dafcadii sadexaad ka qalin jabinaysaa, halka Dugsi hoosedhexe ee Salaama ay dafcadii labaad ka qalinjabinayso.

Dugsi sare ee Amiirnuur oo ah dugsiga sare ee kaliya ee ka jira G/haareey iyo nawaaxigeeda lana aasaasay 2007dii ayna aasaaseen  urur ka shaqeeyo waxbarshada iyo hurumarka umada   oo loo yaqaano:

SOMALI  EDUCATION  DEVELOPMENT  ONGANISATION. ee marka lasoo gabiyo la yiraahdo  SEDO, fadhigiisuna yahay dalka Norwey.

sanad dugsiyeedkan 2011-2012 ayaa Amiirnuur waxaa kaqalinjabinayo dafcadii oogu horaysay taniyo markii la,aasaasay.   Dugsi sare ee Amiirnuur waxaa waxkabarto arada kasoo qalinjabiyo sadex dugsi hoosedhexe oo kal,ah: 1) Dugsi hoosedhexe ee Googol, 2) Dugsi hoosedhexe ee G/haarey ee ay gacanta ku hayso hay,ada NCA,  iyo 3) Dugsi hoose dhexe ee Salaama ee ku yaalo Tuulobarwaaqo.  Iskuulka wuxuu leeyahay manhaj aad u tayaysan waxaana laga bixiyaa ilaa 10maado oo kala ah: xisaab, sadexda sayniska, taariikh, jogoraafi, business, todobodaas maado waxay ku baxaan afka Englishka,

shareecada islaamka qaybaheeda kala duwan sida: tawxiidka, tafsiirka, fiqiga, xadiiska iyo thaqaafada islaamka oo halmaado isku,ah iyo  barashada luqada carabiga sida: naxwaha,sarfiga, balaaqada, adabka, oo iyagana halmaado,ah  waxay ku baxaan afka Carabiga, maadada 10aad waxay kubaxdaa af Soomaali. Waxaa mardhaw la rajaynayaa in lagu daro maado 11aad oo ah barashada computerka.

Mu,asasada Alqalam waa mu,asaso ka shaqayso horumarinta bulshada  gaar,ahaan waxbarashada fadhigeeduna waa G/haarey, waxay ka tirsantahay Dalada waxbarashada oogu wayn soomaalia ee la yiraahdo FORMAL  PRIVATE  EDUCATAION  NETWORKIN  IN SOMALIA. ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano FPENS.  Ardaygii ka qalin jabiyo Amiirnuur Secondary School wuxuu helayaa shahaado FPENS,ah oo u suuro galinayso inuu waxbarashadiisa jaamacadeed ka sii wato dal iyo dibadba.

alqalamsom@hotmail.com

Cabdiqaadir  Musdhaf

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online