Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah oo ka tacsiyeynaysa geeridii Sh. Xasan Cali Maxamed Xassan Xabeeb

June 3, 2012 - Written by

Muqdisho:-Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi wassunnah waxay aad uga tiiraanyaysan tahay geeridii Sh. Xasan Cali Maxamed (Sh. Xasan Xabeeb) oo saaka ku geeriyooday xaafadda Shiirgole ee magaalada Muqdisho,  waxayna tacsi u diraysaa qoyskiisii, eheladiisii, ardaydiisii, asxaabtiisii, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka wada geeriyooday. Jamaacadu waxay Ilaahay ka baryaysaa inuu Sheekha u dambi dhaafo, jannada Firdowsna geeyo, intii Sheekhu ka tagayna inuu xifdiyo adduun iyo aakhiraba, uuna siiyo sabar iyo badal khayr qaba.

Sheekha oo ka mid ahaa culumada ka faafisa dalkeena dacwada iyo tacliinta sharciga ah geeridiisu waxay bannaysay furin weyn oo uu ku aaddanaa; sidaa darteed waxaa la gudboon culumada, ducaadda iyo ardaydii sheekha inay labanlaabaan dadaalkooda iyo iskaashigooda si ay u buuxiyaan kaalintii Sheekha (Alle ha u naxariistee).

إنا لله وإنا إليه راجعون

 

“إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى”

Sheekh Axmed C/samad
Gudd. Golaha Fulinta Jamaacada Al-ictisaam bil-kitaab wassunnah
Muqdisho – Somalia

4 Comments so far

Leave a comment

  1. الشيخ حسن علي محمد من كبار علماء السنة في الصومال
    وإني أنصح طلبة العلم والمحبين للشيخ أن ينشروا أشرطة الشيخ وعلمه كما أقترح بفتح موقع مخصص للشيخ هذا ما أدعوا إلى المحبين للشيخ
    كما أنصح طلبة العلم بالإستماع من أشرطته والإستفادة من علمة فإن الرجل من خيرة وأفاض علماء الجنوب بل لا أعلم في مقديشوا مثله فكيف بأفضل منه هذا ما نحسبه ولا نزكي على الله أحدا

  2. إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى
    إن لله وإليه راجعون
    غفر الله للشيخ ورحمه وأسكنه فسيح جنتاته،
    الشيخ حسن حبيب معروف في الساحة الدعوية والعلمية وقد نفع الله به كثيراً من العباد والبلاد.
    كما أشكر جماعة الاعتصام على مثل هذه المواقف النبيلة، ومتابعتها لأخبار إخوانهم وأداء واجبهم تجاهم جزاهم الله خيراًُ.

  3. إنا لله وإنا إليه راجعون إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى allaahu yarxamah sheekha samir iyo iiman alaah ha ka siiyo ehelkiisi iyo ummada somali.

  4. ان لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى ialaaha sheenaa h aunaxariisto janatul fardowsana h ageeyo walawada dhimaynayaa lk geerida culumada waa musiibo ilahay musiibooyin kiisa hanaga hayo inshalaah ilahay samar iyo iman hanag wada siiyo sheekh xasana

Leave a comment

*