Johnnie Carton oo Muqdisho Booqasho ku tagay iyo madaxda DFKM oo la kulmay

June 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Arrimaha Afrika, Johnnie Carson ayaa Muqdisho booqday, sida ay madaxda DKMG ahi sheegeena, waa mas’uulkii ugu sareeyey ee booqda magaalo madaxda Somalia ilaa bilowgii sagaashanadii.

Mr. Carson waxa uu la kulmay Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiwali Maxamed Cali, waxana la filayaa in uu magaalada Muqdisho hal maalin ku nagaado.

Booqashadan ayaa timid afar maalmood ka dib markii Maraykanku uu yaboohay 33 milyan oo dollar, taas oo abaal marin looga dhigay qofkii soo sheega halka ay ku sugan yihiin 7 ka mid ah hogaamiyeyaasha Alshabab.

Ururka Alshabab ayaa arrintaas ka jawaabay, iyaga oo shaaciyey abaalmarin iyaga u gaar ah. Alshabab ayaa sheegay in qofkii keena xog sheegaysa halka uu ku sugan yahay Madaxweyne Obama in 10 neef oo geel ahla sii doono, halka qofkii keena xog sheegaysa halka ay ku sugan tahay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Hillary Clinton, isaga la siin doono 10 digaag iyo 10 diiq.

Wareysi ku saabsan booqashada Kaaliyaha hoosta ka dhageyso

Xigasho VOA

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online