Khudbadii Sheekh Maxamuud Shible Jimcihii hore kaga hadlay galida Baarlamaanka (Dhageyso)

June 7, 2012 - Written by

Nairobi:-Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli, ayaa waxa uu ka hadlay sida Diinta Islaamka u qabto in laga mid noqon karo dowlad Gaalo ah.Sh. Shibli oo khudbaddiisa Jimcaha ee isbuucii hore mowduucaas uga hadlay, ayaa sheegay in waqtiyada ay maraan dadka Muslimiinta ah ay kala duwan yihiin, isla markaasna marxaladaha dacfiga ee Muslimiintu maraan sida midda maanta oo kale ay axkaamtu is bedeleyso.

Sh. Shibli ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ee ku hoos nool dad ka quwad badan oo gaalo ah, ay u banaan tahay inay dowladaha ka mid noqdaan, sida baarlamaanada  iyo xukuumadaha, wuxuuna maanta soo qaatay hal daliil oo qur’aanka kariimka ah oo muujinaya mowduucaas.

Sh. Shibli oo khudbaddiisa daliilo kale ku keeni doona, ayaa maanta soo qaatay qisadii Nabi Yuusuf, markii uu codsanayey inuu wasiir maaliyadeed ka noqdo dowlad dadka xukumaya ay gaalo yihiin.

Shiikha ayaa sheegay, in Nabi Yuusuf uusan xil doon aheyn, balse waxa uu in jago loo diibo u codsaday ay aheyd inuu arkayey Maslaxad inay ugu jirto marka loo eego 3 arimood oo kala ah:

1- In ay u sahlataano inuu dadka gaalada ah  uu diinta u sheego, maadaama uu mas’uul yahay.

2- In maareeynta dhaqaalaha ee uu mas’uuliyaddeeda codsaday uu ku badbaadiyo ehelkiisa oo aabbihiis iyo walaalihiis oo Muslimiin ah ku jiraan, maadaama meelaha abaarta ku soo foolleheyd ay dhulka Shaam ka mid aheyd.

3-  In dadka guud ahaan naftooda la badbaadiyo.

Shiikh Maxamuud Sh. Maxamed oo sheegay inuu sii wadayo ka hadlidda mowduucaan, tusaalayaal kalena keeni doono sheegay, in  qofka xilka ka qabanaya dowlad gaalo ah looga baahan yahay:

1- In qofka xilka qabanaya uu yahay qof awood maamul iyo aqoonteedba leh.

2- In xilka uu qabanayo ay maslaxad ugu jirto dadka muslimiinta ah diintooda iyo aduunyadoodaba.

3- In xilka uu qabanayo uu uga hortago dhib ku socda dadka muslimiinta ah ee uu danahooda xilkaas u qabtay.

Shiikha ayaa sheegay in qofka muslimka ah wixii uu qaban karo laga rabo, balse aan laga dooneynin wixii uusan awood u laheyn, sida qur’aanka iyo sunadaba ku cad, wuxuuna soo qaatay hadaladii ay amuurtaasi culimadu ka yiraahdeen.

Sh. Maxamuud Shibli, ayaa horey waxa uu u balan qaaday ka hadlidda mowduucyo muhiim ah marka la fiiriyo xiliga lagu jiro, oo uu kan maanta ka mid yahay, iyadoona Shiikha muxaadarooyin aad loogu baahnaa uu dhawaan arrimo badan ku falanqeeyey.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Khudba_Shible8.mp3]

Ama Halkan MP3
Halgan.net
Nairobi

5 Comments so far

Leave a comment

  1. jazakumullahu khayrul jazaa.halgan ilahay ha idinka abaalmariyo

  2. Asc wl waxaan Rabat inaan download kusameeyo muxadarada 3aad waan kariwaayay bal ila fiirsha maxaa qaldan ma anaa mise waa xagiina waadmahadsantihiin

  3. Aww. Jazaakallaah Alfa jazaa, waxafidakallah min killing shar! mawduuc muhiim cilmi ah faaiido bandanna samba area ayaa shiikhu ka hadlay, oo Ada logout baahnaa maalinka maranta ah, I like sheekhshible siduu fiqhiga u dhiraandhiriyo Alle haynoo xifdiyo, nana into barakeeyo. Aamiin

  4. ac jazaakumuallah lakiin walaal meel laga dhagaysto maleh

Leave a comment

*