Khudbo Jimcihii maanta Sh Maxamuud Shible.(Dhagayso)

June 8, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa maanta mar kale uu Sh. Maxamuud Sheekh. Maxamed Shibli uga hadlay  mowduuc ku saabsan  galitaanka  Baar lamaanka  ama ka mid noqoshada qof Muslim ah uu ka mid noqdo dowllad gaalo ah iyagoo markaa la eegayo  wax mas laxad ugu jirta umada Islaamka xiliga ay ku sugan yihiin tabardarada ama dacfi isagoo tusaale u soo qaatay dadka Soomaaliyeed ee nool dalka Kenya oo ah kuwo laga awood badan yahay.

Sh. Shibli ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ee ku hoos nool dad ka quwad badan oo gaalo ah, ay u banaan tahay inay dowladaha ka mid noqdaan, sida baarlamaanada  iyo xukuumadaha, isagoo xusay Shiikhu in uu jimcadii hore uga waramaya qisadii Nebi Yuusuf Allaha ka raali noqdee taas oo uu Shiikhu uu sheegay in uu uga hadlay Jimcihii hore. Shiikha ayaa sheegay in qofka muslimka ah wixii uu qaban karo laga rabo, balse aan laga dooneynin wixii uusan awood u laheyn, sida qur’aanka iyo sunadaba ku cad, wuxuuna soo qaatay hadaladii ay amuurtaasi culimadu ka yiraahdeen.

Sh. Maxamuud Shibli, ayaa horey waxa uu u balan qaaday ka hadlidda mowduucyo muhiim ah marka la fiiriyo xiliga lagu jiro, oo uu kan maanta ka mid yahay, iyadoona Shiikha muxaadarooyin aad loogu baahnaa uu dhawaan arrimo badan ku falanqeeyey gaar ahaan Gaalaysiinta dadka Muta’awiliinta ah ee Muslimiinta ah , Manhajka Salafka ee Nusuusta gooddiga ku soo aroortay.

Hoos ka Dhagayso Khubadii Jimce ee maanta Masjidka Al-hidaay Sh Maxamuud Sh Maxamed Shibli

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Khudba_Shible8.mp3]

Halgan.net

 

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc walal mp3 kadiga idhinka oo mahadsan.

  2. ikhwaanii mobilka lagama dhageysan karo

  3. Asc fadlan mp3 kadhiga si aan udhageysto waayo audio mobileka kuma dhageysan karo

Leave a comment

*